Saameynta deyn cafiska Soomaaliya iyo gogol xaarka in deymo cusub la qaato (Falanqeyn iyo Talooyin)
Horudhac
Dadaalo inta badan soo bilowday 2016 ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa dowlado iyo hay’ado caalami ah waxay baadi goob u gashay sidii deymaha gaboobay looga cafin lahaa Dalka Soomaaliya. Kadib dadaalo ujoodooyin badan ahaa, Bishii December 2023 ayaa Bangiga Adduunka (World Bank Group) iyo Sanduuqa lacagta Adduunka (IMF) ku dhawaaqeen in Soomaaliya ay dhammeystirtay shuruudihii laga rabay si deynta looga cafiyo (Completion Point).
Ku dhawaaqista in la dhammeystiray shuruudihii laga rabay si deynta loo cafiyo ayaa horseeday in Bishii Maarso 2024 ay wadamo badan, gaar ahaan kuwa Paris Club ku dhawaaqaan in ay cafiyeen inta badan deyntii ay Soomaaliya ku lahaayeen, inta harsanna milkiileyaashii lahaa diyaar u yihiin in ay cafiyaan si tabarruc ah.[1]
Shuruudaha dhammeystirka in deynta laga cafiyo dalka (HIPC Completion Point)
Si loo dhammeystiro hannaanka deyn cafiska, waxaa jiray shuruudo waa weyn oo ay ahayd in la buuxiyo. Haddaba, maxay ahaayeen shuruudahaas:
1) In Dalku leeyahay xeerar heshiis lagu yahay oo illaaliya mustaqbalka maaliyadeed ee dalka. Xeerarka ayaa waxaa ugu muhiimsanaa:
a) Xeerka federaaleynta maaliyadda dalka si waafaqsan dastuurka KMG ee Dalka (Fiscal federalism bill)
b) Xeerka mideynta canshuuraha Dalka, si waafaqsan dastuurka KMG ah iyo xeerka federaaleynta maaliyadda
2) In Dalku leeyahay hay’ado iyo dhismo hannaan maaliyadeed oo is illaalinaya, lehna awood fulineed, illaalinayana ku takri falka awoodaha dowliga ah iyo musuqa, sidoo kalena dib u habeyn buuxda lagu sameeyo dhaqaalaha Dalka.
Haddaba, Dalka Soomaaliya ma buuxiyey shuruudihii lagu dhammeystiri lahaa geeddi socodka deyn cafinta? Jawaabtu waa maya! Sababtoo ah:
1) Ma jiro xeer ama xeerar maaliyadeed oo heshiis lagu yahay oo Dalka Soomaaliya ka jira
a) Waxaan wada ogsoonahay in Somaliland ay bannaanka ka joogto geeddi socodka dowlad dhiska Dalka, aysanna qayb ka ahayn heshiis xeerarka ay diyaariso Dowladda Federaalka Soomaaliya
b) Puntland ayaa iyaduna ku adkeysatay in aysan qayb ka ahayn xeerarka maaliyadeed ee Dowladda Federaalku diyaarisay, sabab la xariirta in aan loo marin si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee Federaalka Dalka
c) Jubaland ayaa iyaduna markii dambe ka baxday dhammeystirka shuruudaha
d) Sidoo kale, Maamulada kale ee ku dhisan hannaanka federaalka ah ee Dalka ayaan la siin wax talo galyo waafaqsan dastuuradooda gaarka ah iyo Dastuurka KMG ah ee Federaalka ah.
2) Dastuurka KMG ah ee Federaalka ayaa ah udub dhexaadka sameynta xeerarka kale ee dowladnimada, waxaana jira qodobo muhiim ah oo ay tahay in Soomaaliya marka hore ka heshiiso inta aan loo gudbin diyaarinta xeerarka fulineed:
a) Waa in si waafaqsan Dastuurka KMG ah ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DFS (DXDFS) ay siyaasiyan uga heshiiyaan qodobada aasaasiga u ah hannaanka federaaleynta Dalka
- Hannaanka federaaleynta maaliyadda Dalka
- Hannaanka qaybsiga awoodaha fulineed ee Dalka
- Hannaanka qaybsiga khayraadka Dalka
- Iyo qodobada kale ee masiiriga ah ee dhammeystirka Dastuurku u taagan yahay…
Sidaa darteed, wixii xeerar ay diyaariso DFS iyada oo aan heshiis laga ahayn qodobada aasaasiga u ah dowlad dhiska iyo dhammeystirka Dastuurka ee kor ku xusan, waxay ka dhigan yihiin xeerar aan jirin ama aan heshiis lagu ahayn, mana noqon karaan xeerar xalaaleyn kara ama buuxin kara shuruudaha laga rabay in Soomaaliya buuxiso si deynta loo cafiyo.
Taariikhda deymaha Soomaaliya lagu lahaa iyo saameyntooda dhaqaalaha cusub
1) Deymaha lagu lahaa Soomaaliya ayaa ahaa kuwo gaboobay markii loo eego xiliga la qaatay, laakiin si waafaqasan shuruudihii qaadashada deymaha waxaa si joogto ah ugu kordhayey dulsaar iyo ganaaxyo kuwaas oo sababayey in lacagihii lagu lahaa Soomaaliya ay noqdaan kuwo xad dhaaf ah markii loo eego xaddigii xiligii la qaatay iyo isbadelka ku dhacay xaddiga qiimaha dulsaarka deymaha, gaar ahaan wadamadii deymaha ku lahaa Dalka
2) Deymaha Soomaaliya lagu lahaa waxaa intooda badan la qaatay labo xilli oo mid walba lahaa ujeeddo u gaar ahayd:
a) Xiligii dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo awoodda amni ee 1960s – 1970s-kii. Deymaha xiligaas ayaa ahaa kuwo Soomaaliya muhiimad u lahaa si loogu dhiso hay’adaha dowliga ah, ciidan amni oo xoog leh iyo kaabayaal dhaqaale. Waana lagu guuleystay
b) Deymihii ku xigay laakiin xaddi ahaan ka yaraa kuwii hore ayaa Soomaaliya gashay sanadihii 1980. Deymahaas ayaa ujeedkoodu ahaa in lagu badbaadiyo dhaqaalaha Dalka oo markaas burbur xoog leh ku socday sababtoo ah Dalka oo galay dagaalo aan kala go’lahayn sida dagaalkii 1977 iyo dagaaladii Jamhadaha ee soo bilowday 1978. Deymahaas ayaa noqday kuwo uga daray xaaladda dhaqaale ee Dalka, kaas oo gebi ahaanba si buuxda u dumay markii ay meesha ka baxday Dowladdii dhexe ee Dalka ka jirtay sanadkii 1990.
Falaqeyn sababaha deymaha looga cafiyo ama looga dhaafo dal
Inkastoo ay jiri karaan sababo kale oo badan, haddana waxaa ugu muhiimsan labo ujeeddo:
1) In dalkaas uu iska bixin waayo deymihii lagu lahaa, dhaqaalihiisana uu ku socdo burbur u baahan in la badbaadiyo, deyn bixiyaashuna ka dhex arkaan dano mustaqbal
2) In dalalka deymaha ku leh ay u arkaan in dalkaas leeyahay fursado waa weyn oo maalgashi, lacagaha lagu maalgalinayana uga faa’ido badan yihiin deymihii horey loogu lahaa. Sidaa darteedna, deymihii hore la cafiyo si loogu gogol xaaro deymo cusub oo ay ka dhex arkaan faa’idooyin badan
Haddaba, Soomaaliya xaggee kaga jirtaa labadaas ujeeddo?
1) Soomaaliya dib uma bixin jirin deymihii horey loogu lahaa (debt servicing) oo deyn cusub ma qaadan karin sidaa darteedna deymihii lagu lahaa saameyn toos ah kuma lahayn dhaqaalaha iyo dhaq dhaqaaqa suuqyada dhaqaale ee Dalka. Dhaqaalaha Soomaaliya ka jira, haddii ay tahay inta badan kaabayaasha iyo haddii tahay hantida dhaqaale ayaa labaduba ah mid cusub oo aysan saameyn ku lahayn deymihii la galay 1960s – 1980s- -kii maadaama uu dhaqaalahaas iyo hab dhiskiisiiba toos u burburay 1990.
2) Marka waxay u muuqataa in ay tahay ujeedada labaad oo wadamadii deymaha ku lahaa qaybtood ka dhex arkeen fursado cusub oo Soomaaliya lagu galin karo deymo cusub oo saameyn ku yeesha dhaqaalaha Dalka.
Gogol xaarka in deymo cusub la qaato
a) U diyaarsanaanta Dalka Soomaaliya ee deymo cusub
- Dalka Soomaaliya shuruuc ahaan uma diyaarsana in uu deymo cusub qaato. Mar haddii aysan jirin shuruuc iyo qawaaniin illaalinaysa, wixii deymo cusub la qaato waxay khatar galin karaan xasiloonida nugulka ah ee Dalka ka jirta, waxayna sare u qaadi kartaa heerka musuqa ee hadda jira.
b) Hirgalinta heshiiska IMF iyo Dowladda Soomaaliya ee December 2023
Soomaaliya iyo Sanduuqa lacagta Adduunka (IMF) heshiiskii ay gaareen Deceember 2023, wuxuu dhigayey in Soomaaliya hormariso hay’adaheeda maaliyadeed, dib u habeynna ku sameyso guud ahaan dhaqaalaha Dalka. Sidoo kale isla heshiiskaas ayaa dhigayey, ayadoo laga duulayo awoodda dhaqaale ee Soomaaliya, in deymanka Soomaaliya loo ogol yahay tahay kuwa mudada dheer bixinteedu waajibayso, sidoo kalena aan lahayn dulsaar[2] (concessional loans). Heshiiska in Soomaaliya ay qaadan karto oo kaliya deymanka loo yaqaan Concessional Loans ayaa leh khataro:
- In ay dhici karto in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan ku ekaan deymanka noocaas ah oo kaliya ee ay qaadato deyman leh dulsaar, isla markaasna dib u bixinteeda ay dhaqso u bilaabanayso, iyada oo ku xiran dalalka diyaarka u ah in ay bixiyaan lacago deyn ah
- Ku fakri fal iyo musuq baahsan oo lagu sameeyo lacaga lagu helo deymaha cusub, madaama uusan jirin xeer nidaamiye heshiis lagu yahay oo haga ka faa’ideysiga deymaha cusub
- Dhanka kale, qayb ahaan mashaariicda horumarineed ee ay bixiyaan Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduun ayaa ah deymo Dalka Soomaaliya laga rabo in uu dib isaga bixiyo, kuwaas oo noqonaya culays aan laga fiirsan haddii aan si fiican oo hufan looga faa’ideysan.
Saameynta gogol xaarka deymaha cusub
a) Ganacsiga Soomaaliya, gaar ahaan kan ku xiran Dekeda Muqdisho ayaa waxaa haysta caqabado xoog leh oo ay keentay gogol xaarka in deymo cusub la qaato
- Si deymo cusub loo qaato, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay Dekeda Muqdisho ku soo rogtay canshuuro (tariffs) xad dhaaf ah. Maxaa Muqdisho kaliya ka dhigay? Sababtoo ah: Somaliland oo gacanta ku haysa dekadda Berbera qayb kama aha hannaanka dowlad dhiska hadda jira, Puntland oo iyana gacanta ku haysa dekadaha Bosaaso iyo Garacad horey bay u sheegtay in aysan qayb ka ahayn xeerar aan waafaqsanayn Dastuurka KMG ah, Jubaland ayaa iyaduna isaga baxday hirgelinta xeerka mideynta canshuuraha ee DFS sida goonida ah u diyaarisay. Culayska ay DFS ku soo rogtay dekada Muqdisho ayaa horseeday in dhaq dhaqaaqa ganacsigu uu hoos u dhaco sababtoo ah:
1. Ka sokow canshuuraha dheeriga ah ee ay soo rogtay DFS si ay Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa lacagta Adduunka ugu qanciso in Soomaaliya awoodi karto dib u bixinta deymaha cusub (Creditworthy), waxaa jira culayska lacagaha ay xoogga ku qaataan ururada Argagixisada, waxaa kaloo jira in isbaarooyinka waddooyinka yaal ay ku baxaan lacago aad u badan oo dhammaantood dulsaaran qiimaha badeecada
2. Ganacasatada ayaa deymo ka qaadata Bangiyada gudaha Dalka ka jira, deymahaas oo culaysyada jira darteed inta badan dib loo bixin waayey, keentayna in bangiyada qaar ay joojiyaan bixinta deymaha (guud ahaan Soomaaliya)
3. Sida aan xogo hoose ku helay, bangiyada qaar ayaa qarka u saaran in ay xirmaan, kadib markii hantidii ay dammaanad ahaanta deymaha ku bixiyeen (collateral) qaymahoodu aad hoos ugu dhacay, tusaale ahaan; qiimaha kala iibsiga dhulalka Xamar ayaa Sanadkaan 2025 hoos u dhacay qiyaas ahaan in ka badan 45%, sabab lagu sheegay in DFS ay qiime hoose ku xaraashtay dhulal Dowladdu lahayd
4. Sababaha kor ku xusan darteed, waxaan xog ku helay in ay sidoo kale jiraan ganacsiyo badan oo ka’cay iyo kuwo ka guuray wadanka, dhaq dhaqaaq cusubna ka bilaabay wadamada dariska ah iyo kuwa Afrika, gaar ahaan Kenya, Sambiya, Kongo, Rwanda iyo kuwa kale.
Dhaqaalaha cusub ee Soomaaliya
Sida la wada ogsoon yahay dhaqaalaha kooban ee hadda ka jira Soomaaaliya ma ahan mid taariikh ahaan xiriir la leh hab dhiskii dhaqaalaha Dalka ee ka horreeyey 1990-kii, mana aha mid saameyn ay ku lahayd deymihii lagu lahaa Soomaaliya. Sidaa darteed, dhaq dhaqaaqa suuqyada dhaqaalaha hadda jira ayaa ah mid cusub, tusaale:
1) Kaabayaasha dhaqaalaha ee hadda jira sida dekadaha, garoomada diyaaradaha, suuqyada iyo jidadka ayaa ah kuwo cusub ama dib loo dhisay kadib burburkii Dalka
2) Suuqyada dhaqaalaha iyo hantiilayaasha ganacsiga hadda jira ayaa gebi ahaanba ah mid ban ka uun ah (cusub) kadib burburkii, sida Shirkadaha isgaarsiinta, Shirkada xawaaladaha, lacagaha ay Dalka soo galiyaan Jaaliyadaha dibadda ku nool iyo ganacsiyada yar yar ee gaddislayda ah.
Saameynta in deymo cusub Soomaaliya qaadato
Qaadashada deymo cusub ayaa Dalka Soomaaliya ku yeelanaya saameyno toos ah iyo kuwo dadban.
1) Saameynta dhaqaale
a) Sida aan kor sheegayba, deymaha cusub waxay saameyn toos ah ku yeelanayaan dhaq dhaqaaqa dhaqaalaha hadda ka jira Dalka, sababtoo ah gogol xaarka deymaha ee ay DFS hadda sameysay ayaa keenay in ganacsiyo badan xirmaan, kuwana ay Dalka dibadda uga baxaan
b) Markii deymo cusub la qaato, waxaa Soomaaliya laga rabaa in ay dib u bixiso deymaha ay qaadatay (debt servicing), taas oo keenaysa in DFS ay si joogto ah u kordhiso canshuuraha la dulsaarayo badeecooyinka iyo adeegyada kale si loo helo lacago dheeri ka ah kharashaadka billaha ah ee Dowladda laga rabo, taas oo keenaysa in ganacsatadu kordhiso qiimaha badeecadaha iyo adeegyada, kadibna ay dadku awoodi waayaan iibsashada badeecadaha daruuriga ah, markaas kadibna ay dhacdo in xaaladda nololeed ee Dalku hoos u dhacdo, Dalkuna uu dhaqaale ahaan noqdo mid aan iska bixin karin deymihii lagu lahaa (default)
c) Mar haddii aysan jirin shuruuc iyo qawaaniin guud ahaan heshiis lagu yahay, waxaa dhici karta ku takri fal iyo musuq baaxad leh oo shaqsiyaad gaar ah ku sameeyaan lacagaha deymaha loo qaato. Waxay noqon kartaa in lacagaha deymaha ah ee magaca Dalka lagu soo qaatay ay gacanta u gasho shaqsiyaad, dib u bixinteedana laga rabo Wadanka Soomaaliya, taas oo ah in qofkasta oo Soomaaliyeed oo ku nool gudaha Dalka iyo ganacsiga gudaha Dalka ay saameyn toos ah ku yeelanayso.
2) Saameynta hannaanka dowlad dhiska Dalka
Haddii ay dhacdo in DFS ay magaca Soomaaliya ku soo qaadato deymo cusub iyada oo aysan jirin xeerarkii gundhigga u noqon lahaa in Dalku qaato wixii deymo cusub ee aan looga maarmi karin kobcinta dhaqaalaha, waxaa imaan kara xaaladaha ku xusan qodobka 1aad ee saameynta dhaqaale iyo xaaladaha hoos ku xusan:
a) In dib u dhac ku yimaado in heshiisyo laga gaaro qodobada Dastuurka KMG ah ee aasaasiga u ah dowlad dhiska, gundhigna u noqon lahaa horumarinta dhaqaalaha Dalka
b) In siyaasiyan ay sii kala fogaadaan DFS iyo DXDFS, sababtoo ah, haddii ay Dalka soo gasho dhaqaale badan oo magaca Soomaaliyeed lagu soo qaatay, laakiin aan isticmaalkeeda laga talo galin DXDF waxaa imaanaysa in ay meesha ka baxdo wada shaqeynta hay’adaha Dowladda dhexe iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah DFS
c) Haddii ay dhacdo qodobada ku xusan (a) iyo (b) ee kore, waxaa dhacaysa in uu kor u kaco khilaafaadka bulsho maadaama ay dhici karto in aan si caddaalad ah looga faa’ideysan dhaqaalaha lagu soo qaaday magacooda.
Talooyin mustaqbalka
Anigoo ka duulaya waayo aragnimo aan intii muddo ah u lahaa xaaladda siyaasadeed, amni, bulsho iyo dhaqaale ee Dalka Soomaaliya, kana fogaanaya aragti ku dhisan khilaafyada siyaasadeed ee Dalka ka jira, waxaan ku talinayaa qodobada soo socda:
1) In Madaxda Dowladda Federaalka ah ee hadda xilka haysa iyo kuwa qaban doona xiliga dhowba ay hakiyaan dadaalada lagu raadinayo in Soomaaliya qaadato deymo cusub, illaa inta:
a) Laga dhammeystirayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya: Dal aan lahayn dastuur uu heshiis ku yahay ma sii ahaan karo dowlad, dal aan dowlad lahayna ma qaadan karo deyn, haddii ay dhacdana waxay keeni kartaa khilaaafaad hor leh. Haddaba, si loo dhammeystiro Dastuurka Federaalka ah, waa in heshiis laga gaaro:
o Federaaleynta hannaanka maaliyadeed ee Dalka (fiscal federalism model)
o Hannaanka awood qaybsiga u dhexeeya DFS iyo DXDFS
o Hannaanka qaybsiga khayraadka Dalka ee u dhexeeya DFS iyo DXDFS
o Hannaanka Federaaleynta Caddaaladda Dalka
o Iyo qodobada kale ee masiiriga ah
b) In Dowladda Federaalku dib u eegis ku sameyso xadka canshuuraha ay ka qaado ganacsatada isticmaasha dekeda Muqdisho iyo saameynta ay canshuuruhu ku yeesheen hoos u dhaca suuqyada dhaqaalaha Soomaaliya
c) In Beesha Caalamka ee taageerta Soomaaliya ay sii wadaan bixinta taageerada dhaqaale ee aan ahayn deymaha, lana joojiyo in Soomaaliya qaadato lacago deyman cusub ah inta laga helayo hannaan iyo xeerar heshiis lagu yahay oo illaaliya hufnaanta dowladnimo.
Gunaanad:
In heshiis laga gaaro qodobada ku cad qodobka (a) ee talooyinka kor ku xusan waxay qayb ka tahay dhammeystirka Dastuurka KMG ah, waxay kaloo muhiim u tahay xasiloonida siyaasadda Dalka. Sidaa darteed, waa in Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay mudnaanta kowaad siiyaan sidii heshiis buuxa looga gaari lahaa qodobada masiiriga ah ee shardiga u ah dhammeystirka Dastuurka KMG ah. Waxaan sidoo kale adkeynayaa khatarta ku jirta in Dowladda Federaalka ah ay magaca Soomaaliya ku soo qaadato deyn cusub iyada oo aan heshiis laga gaarin qodobadaas masiiriga ah ee kor ku xusan.
FG:
- Aragti ahaan kama soo horjeedo in deymihii gaboobay laga cafiyo Soomaaliya, laakiin waxaan ka hadlayaa in aan loo marin waddo toosan, lana buuxin shuruudihii looga baahnaa Soomaaliya si deynta looga cafiyo,
- Waxaan ka cudurdaaranayaa in aanan xogaha qaarkood u hayn tixraacyo qoraallo horay looga diyaariyey.
- Waxaa jiri doona turjumaad luugadda Ingiriiska ah oo aan ku sameyn doono qoraalkaan si ay u akhristaan dadka aan Af Soomaaliga akhrin karin
Qore: Maxamed Cabdiraxmaan (Dhabancad)
Email: mdhabancad@yahoo.no ama Whatsapp: +25290 7795777