Saddex Qodob oo Ka Soo Baxay Ka-Qaybgalka Madaxweyne Xasan ee Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya
1. Fashilka Dadaalladii Wada-hadallada Jubbaland
Dadaal uu Madaxweyne Xasan doonayay inuu kula kulmo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ka hor inta uusan tegin Shirka Qaramada Midoobay, ayaa hakaday. Dadaalladan oo ay hormuud ka ahayd Dowladda Kenya ayaa dhicisoobay.
Xogaha la helay ayaa muujinaya in Axmed Madoobe, kaddib markii uu dhageystay talooyinka mucaaradka, uu ka baaqsaday kulanka.
Villa Soomaaliya waxay doonaysay in kulanka loo adeegsado muuqaal siyaasadeed oo lagu tuso caalamka in khilaaf siyaasadeed oo baaxad leh uusan dalka ka jirin. Qodob kale, wuxuu ahaa in lagu abuuro shaki u dhexeeya Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, kuwaas oo dhawaan heshiis gaadhay kaddib khilaaf dheer.
Dhanka mucaaradka, Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ka sastay garabkii mucaaradka ee uu Madaxweyne Xasan kala go’ay, ayaa si buuxda uga hortagtay kulanka.
2. Rabitaanka Itoobiya ee Badda Cas oo Sii Adkaanaya
In kasta oo Madaxweyne Xasan muujiyay niyad wanaag iyo is-afgarad uu la leeyahay Itoobiya, haddana damaca Itoobiya ee ku aaddan inay hesho marin badeed wuxuu sii xoogeysanayaa maalinba maalinta ka dambeysa. Waxaana jirta cabsi isa soo taraysa oo ku saabsan in Itoobiya isku daydo inay ku fiddo biyaha Soomaaliya ama Ereteriya.
Haddii taasi dhacdo, waxay ku soo beegmi doontaa xilli Soomaaliya ay lumisay isbahaysigii saddex geesoodka ahaa ee horay uga hor yimid damacaas.
3. Masar oo Ku Dhawaaqday Ciidan ku daabbulayso Soomaaliya
Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday inay ciidammo u direyso Soomaaliya. Wargeyska ugu weyn ee dowladda taageersan, Al-Ahraam, ayaa qoray in Masaaridu ay Soomaaliya u aragto goob muhiim ah oo culays laga saarikaro Itoobiya.
Waxaa intaas dheer in wargeysku xusay in xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal uu dhiirrigelinayo in shacabka Soomaaliyeed loo muujiyo taageero iyo garab istaag.
Falanqayn
Madaxweyne Xasan wuxuu ku jiraa xaalad siyaasadeed oo cakiran oo ka dhalatay siyaasaddiisa ku dhisan garab-raradka. sidaas darteed, dalku wuxuu wajahaa caqabado adag oo la xiriira siyaasadda gudaha, deriska, iyo loollanka juqraafiyeed ee cusub ee Masar ku soo biirtay.
Caqabadda ugu weyn ayaa ah in, iyadoo muddo-xileedka Madaxweynaha uu dhammaad yahay, aysan weli jirin tub qaran oo la isku raacsan yahay oo lagu wajaho kala-guurka iyo doorashooyinka.
Dhanka kale, Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa maalinta berri ah ku qabanaysa magaalada Muqdisho shir muhiim ah oo noqon doona midkii ugu horreeyay shirar taxane ah oo cadaadis lagu saari doona Madaxweyne Xasan inuu aqbalo hannaan siyaasadeed oo lagu gaaro doorasho heshiis lagu yahay.
Arrintan ayaa sii adkaysay xaaladda, maadaama Madaxweyne Xasan uu weli muujiinayo diidmo uu ku tanaasulo, isagoo u muuqda inuu wax kasta sameyn doono si uu xilka ugu sii nagaado.
W/Q: Ahmed Abdihadi