Arday deeq waxbarasho ka helay Bangiga Amal
26 September, 2015(GO)-Bangiga Amal ayaa deeq waxbarasho guddoonsiiyay todobo arday ee ugu dhibcaha badan kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Bariga Africa faraca Garowe, ka dib munaasabad lagu qabtay hoolka shirarkaa Jaamacaddaasi.
Deeqda waxbarasho, waxaa goob joog ka ahaa mas'uuliyiin ka socotay dowladda Puntland, odoyaal dhaqameed iyo maamulka Jamacadda Bariga Afrika.
Saciid Cali Shire maamulaha Bangiga Amal Somalia, oo ka hadlay ujeedka deeqdan ayaa sheegay inay uga golleeyihiin sidii culayska ula qaybsan lahaayeen Jamacadda iyo dhiiri galinta dhalinyarada.
“ Waa in ardaygu arko mirihii dadaalkiisa inta uu ardayga yahay, waa in uu arko miraha dadaalkiisa marka uu dhammaysto waxbarashada"Ayuu hadalkiisa ku daray Saciid.
Saciid waxa uu sheegay in toddobbada aray ee sannad walba ugu sarraysa toddobada kuliyadood ee jaamicaddu ka kooban tahay laga bixin doono Fee-ga waxbarashada.
“ Ujeeddadu waa inaan abuurno dhaqan kalsooni iyo dadaal, waa in ardaydu ku tartamaan waxbarashada,waa in ardaygu arkaa ahmiyadda ay leedahay in la dadaalo. Sidoo kale, waa in ardaydu dareemaan in haddii maanta deeq waxbarasho ku heleen dadaalkoodii, in barrina ay shaqooyin fiican ku heli karaan dadaalkooda"Sidaas waxa yiri maamulaha Amal.
Maareeyaha Amal Bank Somaliya wuxuu sidoo kale xusay in guud ahaan bahda Amal ee qaybaha Xawaaladda, Bangiga , Ganacsiga iyo Dhismuhu , ahmiyad weyn siinayaan guud ahaan waxbarashada gaar ahaan Bariga Afrika.
Maamulaha sidoo kale, waxa uu sheegay inay Afar Arday ka shaqaalaysiiyeen kuwa qalin jabiyay, waxaana uu tilmaamay inay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Jamacadda iyagoo ka taageerayada dhinacyada shaqo abuurka iyo shaqaalaysiinta Ardayda ka baxda Bariga Afrika
Barnaamijkan waxaa ka faa'iidaystay 12 Arday oo ka mid ah kuwa qalin jabiyay, waxaana Siciid maamulaha Amal sheegay inay gacan ka gaysteen hormarinta muqararka iyagoo sidoo kale wax ka dhiga jaamacadda Bariga Afrika.
Guddoomiyaha Guddiga Mu’asisiinta Jaamicadda Bariga Afrika, Sh. Yuusuf Cabdicasiis, ayaa ka mahadceliyey deeqdaan waxbarasho wuxuuna tilmaamay inay ahmiyadd u leedahay guud ahaan jaamicadda gaar ahaan ardayda.
Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Maxamed Cali Faarax ayaa tusaale ku dayasho mudan ku tilmaamay waxqabadka Bangiga Amal u muujiyay ardayda ugu sarraysa kulliyadaha kala duwan ee Jaamicadda Bariga Afrika.
Guddoomiyaha Barlamanka Puntland, Saciid Xassan Shire oo goob joog ka ahaa munasabadda deeqdan lagu wareejinayay ayaa tilmaamay inay loo baahanyahay ka qayb qaadashada sidii dalka wax ugu baran lahaayeen dhalinyarada.
“ Waan bogaadinayaa Bangiga Amal deeqdaan waxbarasho ee ay ugu deeqeen ardayda, sharikaadka kalena waxaan ku boorrinayaa in ay tusaalahaas Bangiga Amal Raacaan"Ayuu yiri Shire.
Maamulaha Amal Bank Somalia Saciid Cali Shire ayaa Jeeggii ku qornayd lacagtu ku wareejiyey Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf, Guddoomiyaha Jaamicadda Bariga Afrika faraca Garoowe.
GAROWEONLINE