250 qof oo ku dhintay masiibo ka dhacday Colombia

Image

Masiibo xoog leh ayaa lagusoo waramayaa inay ka dhacday magaalada Mocoa ee Koonfurta dalka Colombia, kadib markii ay dhoobo ku habsatay halkaas.

Waxaa la xaqiijiyay geerida 250 qof, halka ay dhaawacmeen 400 oo kale.

Kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa ku howlan sidii ay u samatabixin lahaayeen dadkaas.

Waxaa ilaa hadda an lahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen dad lagu qiyaasay 200 oo qof.

Masiibadan ayaa dhacday kadib markii magaaladaas ay ka da’ayeen roobab laxaad leh.

War kasoo baxay Milatariga dalkaas iyo kooxaha gurmadka ayaa lagu sheegay inay tahay arrintan mashaqo ka dhalatay cimilada oo aad u xun.

Madaxweynaha dalkaasi Columbia Juan Manuel Santos ayaa halka ay mussiibada ka dhacday kaga dhawaaqay xaalada deg deg ah.

Wali waxaa socda baaritaano iyo samatabixin xoog leh oo lagu bad-baadinayo dadka dhibku soo gaaray.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha internetka ayaa muujinaya dhoobo buuraha le’eg oo xirtay waddooyinka muhiimka ah, halka daadad ah biyo iyo dhoobo is-wata ay marayan togag ay ka samaysteen gudaha magaalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM