31 qof oo ku dhintay Qaraxyo ka dhacay Ciraaq

Image

Ugu yaraan 31 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay magaalada Tikrit, ee waqooyiga dalka Ciraaq

Saraakiisha amniga dalka Ciraaq ayaa sheegay in labo qof oo walxaha qarxa isku soo xiray ay fuliyeen weerarka, oo ka dhacay bar-koontarool iyo Guri nin Korneel ah uu degan yahay oo ku yaalla magaalada Tikrit.

Tikrit waxay 170KM dhanka waqooyi uga ka xigtaa caasumadda Baghdad.

Kuwa qaraxyada geestay waxay soo xirteen Tuutaha ciidamada booliska dowladda Ciraaq, waxayna wateen gaari ciidan, oo ay kusoo galeen magaalada Tikrit.

Nawfal Mustafa, oo ah Dhaqtar ka howlgala Isbitaalka guud ee Tikrit ayaa u sheegay Reuters in Dadka ku dhintay weerarka ay ku jiraan 14 askari oo boolis ah.

Khasaaraha dhimashada weerarka ayaa laga cabsi qabaa inay intaasi ka badanaadaan, maadaama ay jiraan dad badan oo soo gaarey dhaawacyo culus, ayuu yiri Nawfal.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxyada, laakiin Daacish ayaa horey Ciraaq uga fulisay weeraro kuwan lamid ah, si ay u dhabar-jabiso duulaanka Mosul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM