31 qof oo ku dhintay Qaraxyo ka dhacay Ciraaq

Image

Ugu yaraan 31 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay magaalada Tikrit, ee waqooyiga dalka Ciraaq

Saraakiisha amniga dalka Ciraaq ayaa sheegay in labo qof oo walxaha qarxa isku soo xiray ay fuliyeen weerarka, oo ka dhacay bar-koontarool iyo Guri nin Korneel ah uu degan yahay oo ku yaalla magaalada Tikrit.

Tikrit waxay 170KM dhanka waqooyi uga ka xigtaa caasumadda Baghdad.

Kuwa qaraxyada geestay waxay soo xirteen Tuutaha ciidamada booliska dowladda Ciraaq, waxayna wateen gaari ciidan, oo ay kusoo galeen magaalada Tikrit.

Nawfal Mustafa, oo ah Dhaqtar ka howlgala Isbitaalka guud ee Tikrit ayaa u sheegay Reuters in Dadka ku dhintay weerarka ay ku jiraan 14 askari oo boolis ah.

Khasaaraha dhimashada weerarka ayaa laga cabsi qabaa inay intaasi ka badanaadaan, maadaama ay jiraan dad badan oo soo gaarey dhaawacyo culus, ayuu yiri Nawfal.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxyada, laakiin Daacish ayaa horey Ciraaq uga fulisay weeraro kuwan lamid ah, si ay u dhabar-jabiso duulaanka Mosul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM