​44 qof oo ku dhintay Saxaraha Niger

Image

Muhaajiriin ka badan 40 qof ayaa lagusoo waramayaa inay ku halaagsameen Saxaraha ka sokeeya Liibiya xilli ay kusii jeedeen waddankaas iyagoo raadinaya inay galaan dalalka Yurub oo ay ku tuhmayaan nolol ka wanaagsan midda ay ku haystaan waddamadooda.

Dadka dhintay ayaa la tuhunsanyahay inay sababsadeen Harraad xilli ay ku go’doomeen saxaraha dalka Niger ka dib markii uu ciladoobay gaarigii ay ku safrayeen.

Lix qof oo ka badbaaday oo dhammantood dumar ah ayaa gaaray tuullo deegaankaasi u dhow, waxayna sheegeen inay dhinteen 44 qof oo iyaga la socday.

Waxay sheegeen in carruuri ay ka mid ahayeen dadkii dhintay.

Dadkan oo u dhashay dalalka Ghana iyo Nigeria ayaa la sheegay inay u socdeen Liibiya si ay ugu sii tallaabaan Yurub.

Markii uu gaariga ka xumaaday ayaa waxay ay ku xayirmay dhul lama degaan ah oo ku yaalla Waqooyiga dalka Niger.

Maaha markii ugu horaysay oo dad muhaajiriin ah ku dhintaan saxaraha.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiin dalalka dadkaasi kasoo jeedaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM