70 qof oo tahriibayaal ah oo ku geeriyoodey xaabaha dalka Yemen

Image

December 8, 2014 (GO)- Ugu yaraan 70 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku qariqmay Badda Cas kadib markii doon yar oo ay ku safrayeen kula degtey xeebaha galbeed ee dalka Yemen.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Taiz ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in badda oo kacsanayd iyo dabaylo xooggan oo dhacayey sabab u noqdeen in doonidaasi degto.

Dhammaan dadka geeriyoodey waxaa la xaqiijiyey inay ahaayeen muhaajiriin dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Itoobiya.

Tahriibayaal Afrikaan ah una badan Soomaali iyo Itoobiyaan oo kasoo cararaya faqriga iyo xasillooni darrada wadanadooda ka jirta ayaa sannad walba soo gaara xeebaha koonfureed ee dalka Yemen, iyagoo kaddibna usoo ruuqaansada dhinaca waqooyiga, si ay ugu sii tallaabaan Sucuudiga oo Yemen xuduud dheer wadaagaan.

Hay'adda caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNHCR, ayaa sheegtay in sannadkii 2012 oo keliya dalka Yemen gaareen 84,000 oo tahriibayaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM