80 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Kabul [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Weerar loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala eegtay goob mashquul badan oo kamid ah degmada 10aad ee caasumadda Kabul gaar ahaan halka lagu magacaabo Zanbaq square.

Qaraxa ayaa dhacay saaka waabarigii hore, waxaana lala eegtay goobo ay daganyihiin safaarado shisheeye kuwaasoo amnigooda aad loo adkeeyay.

Waxaa ku naf-waayay qaraxaas 80 qof, halka dhaacu gaaray 350 qof oo kamid ahaa dadkii goobta ku sugnaa.

Ilaa iyo haatan ma cadda cidda rasmiyan ka dambeysay weerarkaasi, balse Taalibaan iyo kooxda la baxay Dowladda Islaamka ayaa labaduba kal hore weerarro ka geystay magaaladaasi.

Mushtaq Rahim oo ah sarkaal sare oo ka faallooda arrimaha ammaanka ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ahayd mid mashquul badan oo baabuurto ku hanibnayd, sidoo kale uu bar-kantarool u yaallay ciidamo waardiyeeya dhismayaasha la ilaaliso, sidaas awgeed uu keenay in dad badan ku geeriyoodaan.

Bishii la soo dhaafay ayaa kooxda Taalibaan waxay ku dhawaaqday in xilliga gu'ga ay billaabeyso guluf colaadeed oo cusub, kaa oo lagu bartilmaameedsan doono xoogagga ajaaniibta.

Safaaradda Faransiiska ayaa la sheegay in bur-bur laxaad leh uu soo gaaray.

Daacish ayaa dhowr jeer oo hore weerar ka gaysatay caasumadda Dal Afghanista ee Kabul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM