80 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Kabul [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Weerar loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala eegtay goob mashquul badan oo kamid ah degmada 10aad ee caasumadda Kabul gaar ahaan halka lagu magacaabo Zanbaq square.

Qaraxa ayaa dhacay saaka waabarigii hore, waxaana lala eegtay goobo ay daganyihiin safaarado shisheeye kuwaasoo amnigooda aad loo adkeeyay.

Waxaa ku naf-waayay qaraxaas 80 qof, halka dhaacu gaaray 350 qof oo kamid ahaa dadkii goobta ku sugnaa.

Ilaa iyo haatan ma cadda cidda rasmiyan ka dambeysay weerarkaasi, balse Taalibaan iyo kooxda la baxay Dowladda Islaamka ayaa labaduba kal hore weerarro ka geystay magaaladaasi.

Mushtaq Rahim oo ah sarkaal sare oo ka faallooda arrimaha ammaanka ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ahayd mid mashquul badan oo baabuurto ku hanibnayd, sidoo kale uu bar-kantarool u yaallay ciidamo waardiyeeya dhismayaasha la ilaaliso, sidaas awgeed uu keenay in dad badan ku geeriyoodaan.

Bishii la soo dhaafay ayaa kooxda Taalibaan waxay ku dhawaaqday in xilliga gu'ga ay billaabeyso guluf colaadeed oo cusub, kaa oo lagu bartilmaameedsan doono xoogagga ajaaniibta.

Safaaradda Faransiiska ayaa la sheegay in bur-bur laxaad leh uu soo gaaray.

Daacish ayaa dhowr jeer oo hore weerar ka gaysatay caasumadda Dal Afghanista ee Kabul.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM