Afghanistan: Xarunta Save the Children oo la weeraray

Image

Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyootay, in ka badan 12 kalena way ku dhaawacmeen weerar culus oo lagu qaadey xarunta Hay’adda Save the Children ee bariga dalka Afghanistan.

Weerarka ayaa ku billowday gaari lagu qarxiyay albaabka, iyadoo rag hubysan ay kadib gudaha u galeen dhisamaha Hay’adda oo ku yaalla magaalada Jalalabad, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska dalkaasi.

Ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa goobta markiiba gaarey waxayna galeen xarunta halkaasi oo dagaal kula galeen dableyda weerarka soo qaadey, oo la haystiyaal ka dhigtay shaqaalaha Hay’adda.

Labo kamid ah Kooxda weerarka kula wareegtay dhisamaha ayaa toogasho lagu dilay, iyadoo kuwa kale oo aan tiradooda la sheegin ay wali ka dhex dagaalamayaan xarunta oo ah dabaq ka kooban saddex biyaano.

Save the Children qoraal ay soo saartey ayay ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay nolosha iyo badqabka Shaqaalaheeda ku xanniban gudaha xurunteeda magaalad Jalalabad ee gobolka Nangarhar.

Kooxda Taliban ayaa iska fogeysay inay ka dambayso weerarka. Balse waxaa loo malaynayaa inay ka dambayso Daacish oo dalkaasi dhawaan ka fulisay weeraro noocan ah.

Weerarkan ayaa yimid maalmo kahor markii 18 qof oo shacab ah lagu dilay weerar lagu qaadey Inter-Continental hotel oo ku yaalla magaalada Kabul, kaasi oo mas’uuliyadiisu sheegtay Kooxda Taliban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM