Akhri: 21-ka Qodob ee Trump Soo Bandhigay si Loo Soo Afjaro Colaadda Gaza

Image

Washington, Aqalka Cad – Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump ayaa soo bandhigay qorshe ballaaran oo ka kooban 21 qodob, kaas oo uu ku sheegay inuu yahay waddada lagu soo afjari karo dagaalka Gaza, laguna abuuri karo mustaqbal cusub oo nabadeed. Qorshahan ayaa waxaa taageeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, iyadoo si weyn loo wada eegayo caalamka.

Qorshaha Trump wuxuu ku bilaamayaa ballanqaad in Gaza laga dhigo deegaan gebi ahaanba ka madax bannaan argagixisada islamarkaana aan khatar ku noqon deriskeeda, iyadoo dib-u-dhis ballaaran loo samayn doono shacabka Gaza oo muddo dheer dhibbane u ahaa colaadaha. Trump ayaa sheegay in haddii labada dhinac ay oggolaadaan qorshahan, dagaalku si degdeg ah u joogsanayo, ciidamada Israa’iilna dib ugu gurtaan xariiq lagu heshiiyo si loo diyaariyo soo celinta maxaabiista, isla markaana dhammaan howlgalada militari la hakiyo inta shuruudaha kale la fulinayo.

Heshiisku wuxuu dhigayaa in 72 saacadood gudahood marka Israa’iil si cad u oggolaato, dhammaan maxaabiista – kuwa nool iyo kuwa dhintayba – dib loo soo celiyo. Kadib, Israa’iil waxay sii deyn doontaa 250 maxbuus oo xukun nololeed ku jiray iyo 1,700 maxbuus oo reer Gaza ah oo la qabtay kadib 7dii October 2023, iyadoo dhammaan haweenka iyo carruurta la sii dayn doono. Waxa kale oo heshiisku dhigayaa in maydadka maxaabiista Israa’iil la isweydaarsado iyada oo Israel ay ku beddesho maydadka 15 qof oo reer Gaza ah.

Trump ayaa ku daray in xubnaha Hamas ee diyaarka u ah in ay hubka dhigaan ku noolaadaan si nabad ah loo cafin doono, halka kuwa kale loo oggolaan doono inay si nabad ah uga baxaan Gaza, waddo ammaan ahna loo furo. Isla marka la saxiixo heshiiska, gargaarka bini’aadantinimo ayaa si degdeg ah u geli doona Gaza, iyadoo la hirgelin doono dib-u-dhis ballaaran oo ay ka mid yihiin koronto, biyo, isbitaallo iyo jidad. Gargaarka waxaa maamuli doona Qaramada Midoobay, bisha Cas iyo hay’ado caalami ah oo aan xiriir la lahayn labada dhinac, iyadoo sidoo kale la furi doono isgoyska Rafah.

Maamulka Gaza waxaa si ku-meelgaar ah u qaban doona guddi farsamo oo reer Falastiin iyo khubaro caalami ah, halka korjoogteynta iyo maaliyadana ay gacanta ku hayaan “Guddiga Nabadda” (Board of Peace) oo uu hoggaaminayo Trump, xubno kalena ay ka mid noqon doonaan madaxda caalamka, sida Tony Blair. Guddigan ayaa dejin doona qaab-dhismeedka iyo maalgelinta dib-u-dhiska Gaza ilaa Maamulka Falastiin dib u habeyn buuxda sameeyo si ay ugu noqdaan maamul rasmi ah.

Sidoo kale, qorshahan ayaa lagu daray in la diyaarin doono barnaamij dhaqaale oo caalami ah oo lagu dhisi doono Gaza, iyadoo la abuuri doono aag dhaqaale oo gaar ah oo leh cashuur dhimis iyo heshiisyo ganacsi oo cusub, loona abuuro shaqooyin iyo maalgelin caalami ah. Shacabka Gaza laguma qasbi doono inay baxaan, balse qofkii raba inuu tago wuu tagi karaa, midkii doonayana wuu soo noqon karaa. Hamas iyo kooxaha kale laguma darin maamulka Gaza, hubkoodana waa in la burburiyaa iyadoo kormeer caalami ah lagu sameynayo. Dalalka gobolka ayaa dammaanad qaadi doona in Hamas iyo kooxaha kale ay fulin doonaan waajibaadkooda si Gaza cusub aysan khatar ugu noqon deriska.

Qorshaha ayaa sidoo kale dhisaya Ciidamo Caalami ah oo Xasillinta (ISF) kuwaas oo tababari doona booliiska Falastiin, islamarkaana la shaqayn doona Israa’iil iyo Masar si loo ilaaliyo xuduudaha loona hortago hubka sharci darrada ah. Israa’iilna ma qabsan doonto mana ku dari doonto Gaza dhulkeeda ; ciidamadeedu waxay si tartiib tartiib ah uga bixi doonaan marka ciidanka caalamiga ah iyo booliiska Falastiin ay xasillooni dhameystiran ka hirgeliyaan. Haddii Hamas diido ama dib u dhigto, gargaarka iyo maamulka cusub ayaa ka hirgeli doona meelaha laga xoreeyo argagixisada.

Trump ayaa ku daray barnaamij wada hadal diimeed oo lagu kobcinayo dulqaadka iyo wada noolaanshaha, iyadoo dib-u-dhiska Gaza iyo dib-u-habeynta Maamulka Falastiin ay abuuri karaan xaalad horseedi karta waddo loo maro dawladdnimada Falastiin. Ugu dambeyn, Mareykanku wuxuu bilaabi doonaa wada hadal siyaasadeed oo cusub oo u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta si loo gaaro mustaqbal nabdoon oo barwaaqo leh.

Qorshahan 21 qodob ah ayaa loo arkaa isku day taariikhi ah oo lagu joojinayo dagaalka Gaza, hase yeeshee weli waxaa jira su’aalo badan oo ku saabsan sida dhinacyada ay uga jawaabi doonaan, iyo haddii uu dhab noqon doono jidka nabadda mustaqbalka.

Related Articles

Mareykanka iyo Israa’iil oo ku dhow heshiis nabadeed oo ku saabsan Gaza

Warbixinaha ayaa muujinaya in qorshuhu ka tagayo albaab furan oo ku saabsan aayaha…

  • Caalamka

    29-09-2025

  • 03:49PM

Hogaamiyayaasha Carabta iyo Muslimiinta oo taageeray qorshe Israel kula wareegayso Gaza

Boqorka ayaa intaas ku daray in faahfaahin badan oo ka mid ah qorshahan “ay waafaqsan yihiin wixii la isku raacay.”

  • Caalamka

    29-09-2025

  • 07:37AM