Al-shabab oo sheegatay mas'uuliyadda weerarkii 36da qof lagu diley

Image

December 2, 2014 (GO)- Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerar lagu diley 36 qof oo goor hore oo maanta ahayd ka dhacay goob dhagaxa dhismaha loo adeegsado laga soo saaro oo ku taalla duleedka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

War qoraal ah oo Al-shabaab ku faafisay internetka ayaa lagu sheegay inay weerarkaas fuliyeen dagaal-yahano si gaar ah u tababaran oo ka tirsan Al-shabaab islamarkaana weerarkaasi ahaa mid loogu aargudayey Muslimiin badan oo horay loogu laayey dalalka Kenya iyo Somaliya, waa sida hadalka loo dhigaye.

Al-shabaab ayaa sidoo kale ku goodidey inay sii wadi doonto weerarrada caynkan ah tan iyo inta ay Dowladda Kenya dib ula soo baxayso tobannaanka kun ee ka tirsan militerigeeda ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Kooxda ayaa horay u sheegatay mas'uuliyadda weerar kale oo todobaadkii hore ka dhacay isla gobolka Waqooyi Bari Kenya, kadib markii dabley Al-shabaab ka tirsani joojiyeen gaari bas ah oo Mandheera ka tegey dabadeedna toogasho ku dileen 28 qof oo kamid ah rakaabkii baskaas  la socdey.

Al-shabaab oo laga saaray inta badan deegaanadii ay koonfurta Soomaaliya ka sugneyd waxay todobaadyadii u dambeeyey xoojisey weerarrada ay ka geysanayso dalka Kenya gaar ahaan deegaanada ku yaalla xuduudka ay labada dal [Kenya iyo Soomaaliya] wadaagaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM