Ammaanka magaalada Paris oo si weyn loo adkeeyey

Image

January 11, 2015 (GO)- Ammaanka magaalada Paris ee xarunta dalka France ayaa si weyn loo adkeeyey, halkaasoo lagu wado saacadaha soo socda inuu ka bilowdo socod shan milyan oo qof ka qayb gelayaan laguna xusayo dhibaneyaashii ku geeriyoodey weeraradii dhacay todobaadkii hore ee lagu diley 17-ka qof.

Socodka waxaa la filayaa inay kasoo qayb galaan madax ka socota dalalka Maraykanka, Midowga Yurub, Bariga Dhexe iyo Africa. Mas'uuliyiinta ka qayb gelaya socodka Paris waxaa kamid ah Madaxweynaha France, Boqorka Jordan, Ra'isal Wasaaraha Turkey, Ra'isal Wasaaraha Israel iyo Madaxweynaha Palestine.

Ku dhowaad afar kun oo askari oo isugu jira boolisa iyo militeri ayaa sugaya ammaanka, waxaana goobaha sida weyn loo ilaalinayo kamid ah boosteejooyinka laga raaco tareemada dhulka hoostiisa mara.

Arbacadii lasoo dhaafay ayey ahayd markii labo nin oo wejiga soo duubtay gudaha u galeen xarunta wargeyska Charlie Hebdo dabadeena toogasho ku dileen 12 qof oo shaqaalaha waregeyska ka tirsan tiftirihii guudna kamid ahaa. Weerarkaas waxaa geystey labo nin oo walaalo ahaa laguna kala magacaabi jirey Said Kouachi iyo Cherif Kouachi.

Charlie Hebdo wuxuu horay u daabacay sawir gacmeedka shaqsiyad kartooni ah oo lagu aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH, arrintaasoo caro xooggan ka dhalisay dunida Muslimka ah.

Isla todobaadkii hore waxaa weerar lagu qaaday maqaayad dadka Yuhuuda ahi leeyihiin halkaasoo lagu diley afar qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM