Askar lagu dilay Howlgalka Koonfurta Philippine

Image

Ugu yaraan 13 Askari oo kamid ahaa Ciidamada Marines-ka Philippine ayaa lagu diley Howlgalka ka dhanka ah Daacish, ee ka socda magaalada Marawi  ee Koonfurta dalkaasi.

Afhayeenka Ciidamada Militariga Philippine Jo-Ar Herrera ayaa sheegay in askarta ay ku dhinteen dagaal mudo 16 saacadood qaatey oo ka dhacay Jimcihii magaaladaasi Marawi.

Ciidamada Mareykanka ayaa ku biiray howlgalka Marawi, oo billowday Labo Todobaad kahor, kaasi oo Ujeedkiisu yahay in laga sifeeyo magaalada dagaalyahano xiriir la leh Daacish.

Dad lagu qiyaasay  500 ilaa 1,000 oo qof ayaa ku xanniban magaalada gudaheeda, kadib markii ay Ciidamada Philippine iyo kuwa Mareykanka ay go’ddomiyeen maalmo kahor.

200 oo ruux, oo Askar ay ku jiraan ayaa ku dhintey dagaalka Marawi.

Madaxweynaha Philippine Rodrigo Duterte ayaa ku dhawaaqay May 24 Xaalad military iyo dagaal ka dhan ah Mintidiinta ku sugan Koonfurta Jaziirada Mindanao iyo Marawi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM