​Aung San Suu Kyi oo lagala noqday abaalmarin caalami ah

Image

Jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska ayaa hoggaamiyaha dalka Myamar Aung San Suu Kyi kala noqotay abaalmarin sharafeed la siiyay haweenaydan sanadkii 1997-dii.

Golaha deegaanka magaalada Oxford ayaa cod aqlabiyad ah uga xayuubiyay abaalmarinta Suu Kyi sababtuna tahay sida ay indhaha isaga tirtay dhibaatada dadka muslimiinta Rohingya.

Wax ka badan nus malyuun qof oo muslimiinta Rohingya ayaa u qaxay dalka Bangaladesh, kadib markii lagu qaaday weeraro inta badan lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen ciidamada dalkaas.

Suu Kyi ayaa markii hore abaalmarinta loo siiyay halgankeedii dimoqoraadiyadda, iyada oo sanado badan xabsi guri ku jirtay magaalada Rangoon ee caasimadda Myamar.

Balse maadaamaa ay ku guuldaraysatay in ay ka hadasho dhibaatada loo geystay dadka Rohingya ayaa waxa ku dhaleeceeyey hoggaamiyeyaasha adduunka.

Tifaftiraha BBC-da arrimaha caalamka John Simpson ayaa sheegay in ururo kale oo caalami ahna ay ka fiirsanayaan in ay iyaguna kala noqdaan abaalmarino kale oo lagu siiyay halgankeedii dimoqoraadiyadda.

Madaxada golaha deegaanka ee Oxford Bob Prince ayaa boggaadiyay go'aanka magaalada ay ku gaartay in abaalmarinta lagala noqdo Suu Kyi.

Waxa uu intaas ku daray in ay aad uga xunyihiin waxa ka dhacaya Myamar, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in haweenaydan ay ka aamustay dhibaatada Rohingya lagu hayo.

Suu Kyi ayaa ka baxday jaamacadda Oxford sanadkii 1967-dii, iyada oo sanadkii 1972-dii guursatay macalin wax ka dhigi jirey jaamacadaas oo lagu magacaabo Michael Aris.

Magaalada Oxford ayay ku noolayd muddo dheer iyada iyo labadeeda wiil Kim iyo Alexander.

Jaamacadda Oxford ayaa guddoonsiisay abaalmarinta xornimada iyo waliba shahaado sharafeed.

Hadda waxa ay madax ka tahay dowladda rayidka ah ee Myamar, halkaas oo ay isbahaysi kula jirto militariga dalkaas oo awoodda inta badan wali gacanta ku haya.

Haweenaydan ayaa sidoo kale haysata abaalmarinta nabadda adduunka ee Nobelka loo yaqaano, waxaana jiray baaqyo ku saabsan in taasna lagala laabto.

BBC

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM