Australia: shir-madaxeedka dalalka G20 oo maanta furmaya

Image

November 15, 2014 (GO)- Shir muddo labo maalmood ah socon doona ayaa madaxda labaatanka dal ee dhaqaale ahaan dunida ugu awoodda badan (G20) maanta uga furmi doona magaalada Brisbane ee dalka Australia.

Arimaha ugu muhiimsan ee kulankan layskula soo qaadi doono waxaa kamid ah horumarinta dhaqaalaha dunida, hawada sii kululaaneysa, xakameynta cudurka Ebola iyo qalalaasaha ka taagan dalka Ukraine. Mas'uuliyiin heerkoodu sarreeyo oo Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin kamid yihiin ayaa shirka ka qayb gelaya.

Sida la saadaaliyey Madaxweyne Puntin wuxuu canaan xooggan kala kulmi doonaa madaxda reer galbeedka oo cadaadis ku saari doona in Dowladda Ruushku joojiso faragelinta siyaasadeed iyo midda militeri ee ay ku hayso dalka Ukraine.

G20 waxaa ku bahoobay Midowga Yurub iyo 19 dal oo kale oo qaarkood isla Midowga Yurub ku jiraan, kuwaasoo kala ah: Argentina, Australia, Brazil, Canada, China, France, Germany, India, Indonesia, Italy, Japan,  South Korea, Mexico, Russia, Saudi Arabia, South Africa, Turkey, United Kingdom iyo United States.

Saddex meelood labo meel oo kamid ah bulshada caalamku waxay ku nool yihiin dalalka ku jira Ururka G20, waxaa sidoo kale xusid mudan in 20kaas dal soo saaraan 85% dakhliga guud ee dhaqaalaha dunida islamarkaana gacanta ku hayaan 75% gacansiga caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Yemen oo Sheegay in Dagaalyahanno Al-Shabaab ah Lagu Dilay Dagaallada Xuutiyiinta

Xabbad-joojintii ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadisay ayaa dhacday bilo kadib markii la gaaray 2022-kii.

  • Caalamka

    08-09-2026

  • 12:38PM

Xiisadda Xuutiyiinta iyo Sacuudiga oo Kasii Dartay Kaddib Weerar Gantaallo iyo Drone ah

Kooxda ayaa sheegtay inay beegsatay xarumaha Aramco ee Jazan, Abha iyo Najran, iyo sidoo kale saldhigga ciidamada cirka ee Khamis Mushait.

  • Caalamka

    08-09-2026

  • 11:46AM