Baaritaanka Trump lagu hayo oo marxalad cusub galaya

Image

Qareennada madaxweynaha Maraykanka ayaa wadahadal la leh baareyaasha doonaya in ay su'aalo waydiiyaan madaxweynaha Maraykanka, arrintaas oo qayb ka ah baaritaanka ay waddo waaxda caddaaladda, sida ay wararku sheegayaan.

Wargeyska Washington Post oo soo xiganaya qof uusan magcaabin oo ka ag dhaw madaxweyne Trump ayaa sheegay in ay macquul tahay in Robert Mueller oo baaritaan wada uu su'aalo waydiiyo madaxweynaha toddobaadyada soo socda.

Qaryaqaannada Trump ma aysan xaqiijinin warkan.

Mueller ayaa baaritaan ku haya in wadashaqay ay dhex martay kooxdii Trump u qaabilsanayd ol'olahii doorashada Maraykanka ee sannadkii 2016 iyo Ruushka.

Xiisadda dhex taalla Muller oo ah dacwad oogasha khaaska ah ee baaritaanka ku haya in Ruushku uu farogalin sameeyay iyo madaxweynaha Maraykanka ayaa sare u kacday ka dib markii baaritaankaasi uu horseeday in dacwado lagu soo oogo dhawr ruux oo horay uga soo mid noqday kooxdii ol'olaha doorashada ee Trump.

Maamulka Trump ayaa diiday in ay wax wadashaqayn kala yeesheen Ruushka arrimo doorashada ku saabsan, madaxweynuhuhu wuxuu baaritaanka la wado ku tilmaamay "quraafaad".

Wargayska Post ayaa baahiyay in Mueller uu horay u soo bandhigay macquulnimada in uu su'aalo waydiiyo madaxweynaha oo ay la joogaan qareennadiisa John Dowd iyo Jay Sekulow dhammaadkii bishii Diseembar.

Related Articles

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM