​Beesha Caalamka oo Baaq u dirtay Galmudug iyo Ahlu Sunna

Image

MUQDISHU, Somalia- Beesha caalamka ayaa ka hadashay wadahadalkii burburey ee Galmudug iyo Ahlu Sunna, kadib xilli ay baaq kasoo saareen khilaafka u dhaxeeya labada dhinac iyo Doorashada Cadaado.

War Saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen QM, AU, EU, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, UK, USA ayaa loogu baaqay Galmudug iyo Ahlu Sunna inay ka heshiiyaan Khilaafka, islamarkaana ay dhisaan maamul ay ku midaysan yihiin.

Beesha caalamka waxay soo dhawaysay isku-dayga Wadahadalka istaagan, oo ay ku tilmaameen tallaabo dhanka dib u heshiisiinta loo qaadey, waxaana ay ku booriyaan labada dhinac inay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka.

War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in amniga iyo horumarka gobollada dhexe uu ku jiro in la helo maamul ay ku midaysan yihiin Ahlu Sunna iyo Galmudug, lagana gudbo khilaaf mudada soo jiitamayay.

Beesha caalamka waxay niyad jab ka muujiyeen Wadahadalka istaagay, waxayna ugu baaqeen ina dhinacyada muujiyeen kalsooni, tanaasul iyo inay kawada shaqeeyaan danaha shacabka ay matalaan.

Ugu dambeyn, waxaa loogu baaqay Ahlu Sunna iyo Galmudug inay ka fogaadaan wax-kasta oo dhabar-jab ku ah dadaallada dib u heshiisiinta, ay garwadeenka ka yahay dowladda Federaalka ah ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM