Biden iyo Xi Jinping oo soo afjaray farqi u dhaxeeyay 7 bilood

Image
Labada hogaamiye ayaa Jimcada maanta ah yeeshay wadahadalkii ugu horeeyay ee dhanka telefoonka.

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, iyo hogaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa ku wada hadlay khadka taleefanka, sida ay xaqiijisay warbaahinta maxaliga ee labada wadan.

Labada hogaamiye ayaa soo afjaray ku dhawaad ​​toddobo bilood oo wax xiriir toos ah aysan sameyn. Mareykanka iyo China waa labada dal ee ugu dhaqaalaha badan guud ahaan aduunka.

Wadaxaajoodka ayaa bayaan rasmi ah waxaa ku xaqiijiyay Aqalka Cad iyo warbaahinta dowladda Shiinaha, oo sheegay in labada nin ay wada hadleen subaxnimadii Jimcaha maanta ah.

Wadahadalka, oo socday ku dhawaad ​​90 daqiiqo, ayaa diirada lagu saaray sidii loo heli lahaa waddo loo maro xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha, sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka Aqalka Cad.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha oo tibaaxdey in wicitaanka uu ka yimid Biden ayaa xustey in labada hogaamiye ay isla soo qaadeen sidii xal loogu heli lahaa qodobada ay ku kala aragti-duwan yihiin.

Aqalka Cad ayaa intaas ku daray in Biden iyo Xi ay isku raaceen in bog cusub loo furo cilaaqaadka labada dal. Hase ahaatee, ma bixin tafaasiil intaas ka baxsan oo ku saabsan nooca bogga cusub.

Afartii sano ee xukunka uu joogay Donald Trump, xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha wuxuu gaarey meeshii ugu xumeyd waxaana uu sii karaar-siiyey tartanka dhanka ganacsiga ee ka dhaxeeya labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Belarus oo markii ugu horreysay booqasho ku tagay Kuuriyada Waqooyi

Booqashadan waxay daba socotaa casuumaad uu Kim Jong Un u fidiyay Lukashenko bishii September ee sanadkii hore.

  • Caalamka

    25-03-2026

  • 11:40AM

Bin Salmaan oo ku riixaya Trump sii wadista dagaalka Iiraan, iyadoo laga cabsi qabo khataraha gobolka

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ka dhex jira saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga…

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 04:57PM