Bill Gates oo qorsheynaya inuu si degdeg ah ku bixiyo hantidiisa 20-ka sano ee soo socota

Image

Bill Gates, aas-aasaha Microsoft ahna maalqabeenka caanka ah, ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu ku bixiyo $200 bilyan oo hanti ah muddo 20 sano gudahood ah, isagoo adeegsanaya hay’addiisa Gates Foundation. Hay’addan oo ah mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn aduunka oo ka shaqeeya arimaha caafimaadka iyo bulshada ayaa fadhigeedu yahay Seattle, waxayna sanadkan xusaysaa sanad-guuradeeda 25-aad.

Gates Foundation ayaa la qorsheynayaa in albaabada la isugu laabo marka la gaaro 31-ka December 2045, kadib markii ay muddo 25 sano ah ku bixisay $100 bilyan si loo caawiyo malaayiin qof oo tabaaleysan. Gates ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa internetka in ay jiraan dhibaatooyin degdeg ah oo u baahan xal, taasina ay sabab u tahay go’aankiisa inuu si dhaqso ah u bixiyo hantidiisa halkii uu hore u qorsheeyay.

Go’aankan ayaa yimid xilli ay jirto hoos u dhac weyn oo ku yimid taageerada Mareykanka ee gargaarka caalamiga ah, gaar ahaan kadib markii maamulka Trump uu jaray miisaaniyadda hay’adda USAID iyo taageerada caafimaadka iyo cilmi-baarista.

Agaasimaha guud ee Gates Foundation, Mark Suzman, ayaa sheegay in inkasta oo caqabado dhaqaale iyo siyaasadeed ay jiraan, hay’adda ay sii wadi doonto dadaalladeeda. Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in dunidu la tacaaleyso dhibaatooyin siyaasadeed iyo dhaqaale oo adag, balse hay’adda ay si joogto ah u wadi doonto bixinta deeqaha.

Hay’adda ayaa sanadkan bixisay $8.75 bilyan waxaana la qorsheynayaa in sanadka dambe la bixiyo $9 bilyan. Hay’adda ayaa haysata maalgelin dhan $77 bilyan, taasoo ka caawin doonta inay sii wado dadaallada ay ku taageerto caafimaadka iyo horumarinta bulshada.

Suzman ayaa sheegay in go'aankaan farriin rajo leh, isagoo xusay in 25-kii sano ee la soo dhaafay horumarka la gaaray uu yahay mid taariikhi ah. Waxa uu ku baaqay in maalqabeenada maanta iyo kuwa mustaqbalka ay wax badan ku tabarucaan samafal si loogu caawiyo dadka danyarta ah.

Muddo 20 sano ah oo soo socota, Gates Foundation waxay diiradda saari doontaa:

  • Ka hortagga dhimashada hooyooyinka iyo dhallaanka.
  • La dagaallanka cudurrada dilaaga ah.
  • Ka caawinta malaayiin qof oo sabool ah inay gaaraan horumar dhaqaale.

Suzman ayaa xusay in saameynta hay’adda aan lagu qiimeynin lacagta la bixiyo, balse ay tahay nolosha la badbaadiyay iyo fursadaha la siiyay kuwa ugu nugul dunida.

Bill Gates ayaa horay u ballan qaaday inuu inta badan hantidiisa ku bixiyo samafal, isagoo ku biiray mashruuca “Giving Pledge” sanadkii 2010 oo ay wada aas-aaseen isaga, Melinda French Gates, iyo Warren Buffett. Mashruucaas ayaa ujeedkiisu yahay in maalqabeenada caalamka ay bixinayaan inta badan hantidooda inta ay nool yihiin.

Buffett oo ah maalqabeen weyn ayaa isaguna bixiyay ku dhawaad $43 bilyan oo uu ku taageeray Gates Foundation. Hase yeeshee, kadib markii Bill iyo Melinda ay kala tageen, Melinda ayaa iska casishay guddoomiyenimada hay’adda, halka Buffett uu isaguna ka tagay xilkii uu hayay.

Bill Gates ayaa rajeynaya in maalqabeenada kale ee caalamka ay qaataan tusaalahaas, iyagoo ka qeyb qaadanaya xal u helista dhibaatooyinka caafimaad iyo saboolnimo ee dunida ka jira.

Waxaa xuquuqda tarjumada maqaalkaan iska leh Garowe Online ©

Related Articles

Pakistan oo sheegtay inay soo riday diyaarado dagaal oo India leedahay

Dowladda Hindiya weli kama aysan hadlin sheegashada Pakistan, iyadoo xiisadda u dhexeysa labada dal ay cirka isku shareertay mar kale.

  • Caalamka

    07-05-2025

  • 01:27PM

Trump oo Dhimaya 20% Tirada Jeneraalada Sare ee Ciidamada Mareykanka

Hegseth oo muuqaal soo dhigay barta X (horey Twitter) ayaa sheegay in siyaasaddan cusub ee uu ugu magac daray.

  • Caalamka

    06-05-2025

  • 07:33AM