Boko Haram oo beenisey inay wadahadal la furtay Dowlada Nigeria

Image

November 1, 2014 (GO)- Ururka Boko Haram ayaa beeniyey in uu xabad joojin la saxiixday dowlada Nigeria todobaadyo kadib markii mas'uuliyiin ka tirsan militeriga iyo madaxtooyada dalkaasi shaaciyeen inay wadahadal la fureen Boko Haram.

Hogaamiyaha ururkaas ninka laga magacaabo Abubakar Shekau ayaa fariin muuqaal oo shabakadda internetka lagu baahiyey ku sheegay inuusan jirin wax wada hadal ah oo dhex maray iyaga iyo Dowladda Nigeria iyo weliba xabad joojin labada dhinac isku afgarteen.

Shekau ayaa dhanka kale sheegay in khasab lagu Islaamiyey kadibna loo guuriyey xubno ka tirsan Boko Haram 219 gabdhood oo ciyaal iskuul ahaa, kuwaasoo bishii April ee lasoo dhaafay kooxdu ka qafaalatay magaalada Chibok  ee ku taalla waqooyi bari Nigeria.

Mar sii horeysey hogaamiyaha Boko Haram wuxuu ku goodiyey in gabdhahaas adoomo ahaan looga iibin doono ragga guur doonka ah hadii Dowladda Nigeria ka madax adaygto inay sii dayso xubno kooxdaas ka tirsan oo xabsiyada ku jira.

Kooxda Boko Haram oo ah urur xagjir ah waxaa la asaasay sanadkii 2002. Magaca Boko Haram wxuuu marka luqada Hausa loo bedelo noqonayaa "tacliinta reer galbeedku waa xaaraan".

Laga soo bilaabo sanadkii 2009 markaasoo Boko Haram bilowday weeraro jaantaa rogan ah oon bartilmaameed sugan lahayn, waxay dishey in ka badan shan kun qof kumanaan kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey weerarada kooxda oo isugu jira qaraxyo iyo kuwo toos ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM