Boko Haram oo la wareegtay magaalo ku taal Nigeria

Image

Wararka ka imaanaya Waqooyiga Dalka Nigeria ayaa sheegaya in mallayshiyaad hubaysan oo katirsan kooxda Boko Haram ay la wareegeen magaalada Magumeri oo aad ugu dhow caasimadda Maiduguri.

Majirto wax khasaaro ah oo laga soo sheegay la wareegista kooxdan, balse Wakaalada wararka ee Reuters ayaa qortay in dad ku sugan magaalada Magumeri ay qadka taleefoonka ugu sheegeen in ay u qaxeen kayn ku dhaw magaaladaasi.

Sidoo kale saraakiisha ammaanka Nigeria ayaa xaqiijiyay in Magumeri ay ka baxday gacantooda.

Bishan horaanteedii 6 qof ayaa lagu dilay Magumeri iyadoo la gubay guryo aad u badan kadib weerar ka dhacay isla magaaladaas.

Tallaabadan ayaa u muuqata in kooxda Boko Haram ay kordhisay weerarada ay ka gaysanayso Waqooyiga dalka Nigeria, inkastoo sannadkan ciidamadu ka saareen goobo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM