Boko Haram oo la wareegtay magaalo ku taal Nigeria

Image

Wararka ka imaanaya Waqooyiga Dalka Nigeria ayaa sheegaya in mallayshiyaad hubaysan oo katirsan kooxda Boko Haram ay la wareegeen magaalada Magumeri oo aad ugu dhow caasimadda Maiduguri.

Majirto wax khasaaro ah oo laga soo sheegay la wareegista kooxdan, balse Wakaalada wararka ee Reuters ayaa qortay in dad ku sugan magaalada Magumeri ay qadka taleefoonka ugu sheegeen in ay u qaxeen kayn ku dhaw magaaladaasi.

Sidoo kale saraakiisha ammaanka Nigeria ayaa xaqiijiyay in Magumeri ay ka baxday gacantooda.

Bishan horaanteedii 6 qof ayaa lagu dilay Magumeri iyadoo la gubay guryo aad u badan kadib weerar ka dhacay isla magaaladaas.

Tallaabadan ayaa u muuqata in kooxda Boko Haram ay kordhisay weerarada ay ka gaysanayso Waqooyiga dalka Nigeria, inkastoo sannadkan ciidamadu ka saareen goobo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM