​Boqolaal qof oo ku dhintay daad ku fatahay Caasumadda Sierra Leone

Image
Image
Image

Roobaab xooggan oo ka da’ayay saacadihii lasoo dhaafay ayaa keenay in Daadad waxyeello gaystay ka dhacaan magaalada Caasumadda u ah dalka Sierra Leone ee lagu magacaabo Freetown.

Boqolaal qof oo dumar, rag iyo Carruur isugu jira ayaa la rumaysanyahay inay ku dhinteen fatahaadda Roobka.

Maydad badan ayaa lagu arkayaa waddooyinka, sidoo kale waxaa dumay dhismayaal badan, waxaana go’doon ku jiraa kumanaan qof oo ku nolaa magaalada Freedown.

Madaxweynaha waddankaas Ernest Bai Koroma, ayaa masiibo qaran ku tilmaamay dhibaatada ka dhacday caasumadda dalka Sierra Leone, waxaana dowladdu ballan qaaday inay gargaar gaasiin doono dad ku nool magaalada Freetown.

Kooxaha caafimaadka ayaa ku howlan sidii loogu gurman lahaa dad dhibaataysan.

“Wax walba waan weynay, mana garan karno meel aan aadno,” Sidaas waxaa yiri mid kamid ah dadka degan magaalada Freetown, isagoo intaas ku daray “Nolosheena khatar ayay ku jirtaa wax kastana waa na dhaafeen.”

Daadadku kuma cusba dalka Sierra Leone, halkaas oo roobabka xooggan ay qaadaan guryaha aan sida hagaagsan loo dhisin.

Roobabka ayaa aalaaba ku dhufta gudaha iyo deegaannada ku xeeran magaalada Freetown oo ah magaalo-xeebeed ay buux dhaafiyeen in ka badan hal milyan oo qof.

Sanadkii 2015, Freetown waxaa ka dhuftay daadad ka dhashay roobab watay dabeylaha Monsoon-ta kuwaas oo sababay dhimashada 10 qof, halka kumannaan qofna ay guryo la`aan noqdeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM