​Boqolaal qof oo ku dhintay daad ku fatahay Caasumadda Sierra Leone

Image
Image
Image

Roobaab xooggan oo ka da’ayay saacadihii lasoo dhaafay ayaa keenay in Daadad waxyeello gaystay ka dhacaan magaalada Caasumadda u ah dalka Sierra Leone ee lagu magacaabo Freetown.

Boqolaal qof oo dumar, rag iyo Carruur isugu jira ayaa la rumaysanyahay inay ku dhinteen fatahaadda Roobka.

Maydad badan ayaa lagu arkayaa waddooyinka, sidoo kale waxaa dumay dhismayaal badan, waxaana go’doon ku jiraa kumanaan qof oo ku nolaa magaalada Freedown.

Madaxweynaha waddankaas Ernest Bai Koroma, ayaa masiibo qaran ku tilmaamay dhibaatada ka dhacday caasumadda dalka Sierra Leone, waxaana dowladdu ballan qaaday inay gargaar gaasiin doono dad ku nool magaalada Freetown.

Kooxaha caafimaadka ayaa ku howlan sidii loogu gurman lahaa dad dhibaataysan.

“Wax walba waan weynay, mana garan karno meel aan aadno,” Sidaas waxaa yiri mid kamid ah dadka degan magaalada Freetown, isagoo intaas ku daray “Nolosheena khatar ayay ku jirtaa wax kastana waa na dhaafeen.”

Daadadku kuma cusba dalka Sierra Leone, halkaas oo roobabka xooggan ay qaadaan guryaha aan sida hagaagsan loo dhisin.

Roobabka ayaa aalaaba ku dhufta gudaha iyo deegaannada ku xeeran magaalada Freetown oo ah magaalo-xeebeed ay buux dhaafiyeen in ka badan hal milyan oo qof.

Sanadkii 2015, Freetown waxaa ka dhuftay daadad ka dhashay roobab watay dabeylaha Monsoon-ta kuwaas oo sababay dhimashada 10 qof, halka kumannaan qofna ay guryo la`aan noqdeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM