China: 11 qof oo ku dhintey god dhuxusha laga qodo

Image

November 27, 2014 (GO)- Ugu yaraan 11 qof ayaa ku geeriyoodey qarax ka dhacay god dhuxul-dhagaxda laga soo saaro oo ku yaalla gobolka Guizhou ee koonfurta dalka China.

Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo 48 saac gudahood ah ka dhaca China maadaama 24 qof ku dhinteen qarax kale oo shalay ka dhacay god ku yaalla gobolka Liaoning.

Wakaaladda wararka Shiinaha Xinhua waxay baahisey in godka dumey 19 qof ka shaqeynayeen haseyeeshee la xaqiijiyey geerida 11 kamid ah 8da qof ee kalena aan la ogeyn inay badbaadeen iyo in kale.

Xinhua waxay sidoo kale baahisay in ilaa iyo hadda aan la garaneyn sababta qaraxa keentay balse boolisku wadaan baaritaan arrintaas la xiriira.

Shilalka caynkan ahi si joogto ah ayey uga dhacaan dalka China waxaana sanad kasta ku geeriyooda boqollaal shaqaale ah oo rag u badan.

Sanadkii hore ee 2013 keliya waxaa la diiwan geliyey 589 shil oo godadka macdanta laga qodo ka dhacay, kuwaasoo galaaftey nolosha 1,049 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM