​Ciidamada Mareykanka oo shacab ku dilay Afghanistan

Image

Ciidamada Mareykanka ee ka howlgalaya dalka Afghanistan ayaa la sheegay inay dileen 3 qof oo shacab ah kadib markii Koonyo ay wateen lagu weeraray gobolka Nangarhar.

Gudoomiyaha gobolka Nangarhar Attaullah Khogyani ayaa sheegay in Ciidanka Mareykanka ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ka ag dhawaa goobta lagu weeraray.

Shacabka ku dhintey rasaas ay rideen ciidamada Mareykanka ayaa kala ahaa aabe iyo labo wiil uu dhalay, kuwaasi oo ku noolaa degmo ku dhaw Xadka Pakistan.

Taliska Militariga Mareykanka ee Afghanistan ayaa sheegay inay baarayaan dhacdadaasi dadka shacabka ah ay ku dhinteen.

Ciidamada Mareyknka ee ka howlgala dalkaasi Afghanistan ayaa lagu eedeeyay dhowr jeer oo hore inay si ula kac ah u dileen dad aan waxba galabsan.

Bishii lasoo dhaafay Mareykanka ayaa sheegay inuu 3000 ilaa 5000 oo askari oo dheeraad ah ku kordhinyayo ciidamadiisa ka jooga dalka Afghanistan.

Howlgalka NATO ee Afghanistan ayaa lasoo afjaray 2014-kii, balse wali waxaa jira ciidamo reer galbeed ah oo dalkaaski ku sugan, kuwaasi oo dowladda ka caawiya dagaalka ay kula jirta Xoogaga Mintidiinta ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM