Ciraaq: Dagaal ka dhacay gobolka Kirkuk

Image

Wararka laga helayo dalka Ciraaq ayaa sheegaya in dagaal uu dhexmaray milatariga dalkaas iyo mallayshiyaad taabacsan Kurdiyiinta Ciraaq ee ku sugan gobolka Kirkuk.

Talefishinta dowladda Ciraaq ayaa ku waramay in ciidamada dalkaas ay la wareegeen deegaano badan oo katirsan ismaamulka Kurdiyiinta kuwaasoo ay ku jiraan goobo shidaalka laga soo saaro.

TV-ga ayaa intaas ku daray inuusan jirin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen ciidamada Ciraaq, balse waxaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay oo beeniyay Kurdiyiinta.

Warar madax bannaan oo gobolka laga helayo ayaa sheegay in madaafiic labada dhinac is-weydaarsadeen.

Lama oga khasaaraha dagaalkaas oo kusoo beegmaya Xilli Kurdiyiintu u codeeyeen madax bannaani aftidii la qabtay September.

Ciraaq ayaa doonaysa in ay dib ula wareegto saldhigyada ciidammada cirka iyo goobaha shidaalka soo saara ee dagaalamayaasha Peshmerga ee Kurdiyiinta gacanta u galay 2014kii.

Arrintan ayaa timid xilli maamulka isugu yeeray dowladda islaamiga ah uu kagacanta ku hayo dhul badan oo Ciraaq kamid ah inkasto gobolkan uusan ku jirin.

Balse gobolka Kirkuk kama tirsano ismaamul goboleedka Kurdiyiinta Ciraaq.

Qoraal kasoo baxay xukuumadda Washington ayaa looga hadlay xiisadda soo korortay ee u dhaxaysa labada dhinac, waxaana Maraykanku sheegay inay ka walaacsanyihiin xaalka Ciraaq.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM