Ciraaq: Dagaal ka dhacay gobolka Kirkuk

Image

Wararka laga helayo dalka Ciraaq ayaa sheegaya in dagaal uu dhexmaray milatariga dalkaas iyo mallayshiyaad taabacsan Kurdiyiinta Ciraaq ee ku sugan gobolka Kirkuk.

Talefishinta dowladda Ciraaq ayaa ku waramay in ciidamada dalkaas ay la wareegeen deegaano badan oo katirsan ismaamulka Kurdiyiinta kuwaasoo ay ku jiraan goobo shidaalka laga soo saaro.

TV-ga ayaa intaas ku daray inuusan jirin wax iska caabin ah oo ay la kulmeen ciidamada Ciraaq, balse waxaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay oo beeniyay Kurdiyiinta.

Warar madax bannaan oo gobolka laga helayo ayaa sheegay in madaafiic labada dhinac is-weydaarsadeen.

Lama oga khasaaraha dagaalkaas oo kusoo beegmaya Xilli Kurdiyiintu u codeeyeen madax bannaani aftidii la qabtay September.

Ciraaq ayaa doonaysa in ay dib ula wareegto saldhigyada ciidammada cirka iyo goobaha shidaalka soo saara ee dagaalamayaasha Peshmerga ee Kurdiyiinta gacanta u galay 2014kii.

Arrintan ayaa timid xilli maamulka isugu yeeray dowladda islaamiga ah uu kagacanta ku hayo dhul badan oo Ciraaq kamid ah inkasto gobolkan uusan ku jirin.

Balse gobolka Kirkuk kama tirsano ismaamul goboleedka Kurdiyiinta Ciraaq.

Qoraal kasoo baxay xukuumadda Washington ayaa looga hadlay xiisadda soo korortay ee u dhaxaysa labada dhinac, waxaana Maraykanku sheegay inay ka walaacsanyihiin xaalka Ciraaq.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM