Ciraaq: Dhulkeena waan ka saarnay Daacish

Image

BAQDAAD, Iraq- Ciraaq ayaa ku waramaysay in dhulkeeda ay ka saartay mallayshiyaad katirsan kooxda isku magacowday dowladda Islaamiga ah ee loo yaqaano ISIS ama ISIL.

Sida uu ku waramay sarkaal sare oo katirsan ciidamada qalabka sida ee dalka Ciraaq oo lagu magacaabo General Abdul Ameer Rasheed Yarallah, wuxuu caqiijiyay in guud ahaan dalkaas laga saaray Daacish kadib markii ay gacanta ku dhigeen magaaladii ugu dambaysay ee ku taalay xuduuda ay la wadaagaan Siiriya.

"Dhammaan dhulka Ciraaq waa laga saaray kooxda argagixisada Daacish, sidoo kale ciidamadeenu waxay si buuxda gacanta ugu hayaan xuduuda caalamiga ah ee u dhaxaysa Suuriya iyo Ciraaq," Yarallah ayaa sidaas yiri.

General Yarallah, ayaa warkaan shaaciyay maanta oo Sabti ah, wuxuuna intaas ku daray in ciidamadoodu ay dib u hanteen goobihii ugu dambeeyay ee mallayshiyadaas kaga sugnayd xuduuda.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda iyo ururka Daacish taasoo ku saabsan warka uu sheegay General-ku.

Guushan ayaa timid xilli ciidamada Ciraaq oo garab ka helay isbahaysiga uu hogaaminayo Maraykanku dagaal adag la galeen ISIS oo gacanta ku dhigtay inta badan dhulka Ciraaq.

Tan iyo 2014-tii Daacish ayaa maamulaysay deegaano badan oo waddankaas kamid ah sida magaalada labaad ee ugu weyn Ciraaq (Mosul), taasoo sannadkan dib ugu noqotay gacanta xukuumadda Baqdaad.

Saddex sano iyo Bar ayaa labada dhinac dagaal ku dhexmaray gobollada kala duwan ee dalkaas, taaso markii dambe geentay guusha Ciraaq ay sheeganayso maanta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM