Daacish oo sheegatay weerar uu gaystay qof Somalia ah

Image

Ururka Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar ka dhacay magaalada Melbourne ee dalka Australia, kadib markii nin dhalinyaro ah oo Somalia ah uu afduub iyo dil ka gaystay gudaha magaalada.

Ninkan oo lagu magacaabo Yacquub Khayre, ayaa weerarka ka gaystay gudaha magaalada Melbourne kahor intaysan toogan ciidamada Booliiska.

Khayre, ayaa ka hor intaan la toogan iska caabin ku sameeyay ciidamada Booliiska, waxaana is-rasaasayn dhexmartay ku dhaawacmay saddex Askari.

Yacquub Kheyre ayaa la sheegay in sanadkii 2009 loo xiray eedeymo ah in uu qorsheynayay weerar ka dhan ah xero milatari oo ku taala magaalada Sydney balse markii dambe dambi lagu waayay.

Taliyaha booliska gobolka Victoria, Graham Ashton, ayaa sheegay in Kheyre uu telefishin magaaladaasi ku yaalla uu taleefoon kula hadlay, isaga oo u sheegay in weerarkaasi uu ku matalayo kooxda Dowladda Islaamka.

Ururka Daacish ayaa qoraal uu saaray ku sheegay in tallaabadan qaadeen maadama Australia ay xiriir la leedahay dowladda Maraykanka islamarkaana kala shaqaynayso dagaalka Daacish.

Ninkan Somaliga ah ayaa ka hor intuusan weerarka fulin taleefon kula hadlay telefishin dalkaas ku yaalla, wuxuuna tilmaamay inuu falkan uu ku matalayo ururka Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM