Dab qabsaday warshad Qadiimi ah oo ku taal Melbourne

Image

Wararka ka imaanaya magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa sheegay in booliisku goor dambe ku guulaysteen inay bakhtiiyaan dab qabsaday war-shad qaadiimi ah oo ku taalla magaalada Melbourne ee dalka Australia.

Warshadda Gubatay oo ahayd goob aan shaqayn muddo ka badan 15 sano ayaa la sheegay in xalay laga maqlay Qarax markii dambe colac isu badalay oo qabsaday qaybaha kala duwan ee goobtaas.

Lama oga waxa keenay gubashada xaruntan, balse dadka deegaanka ayaa ku war-galiyay kooxaha dab-damiska dhacdadan oo ku qaadatay inay damiyaan muddo Afartan daqiiqo ah.

Waxaa laga helay Maydka saddex ruux oo loo malaynayo inay ku dhinteen dabkaas.

Lama garanayo haybtooda iyo waxa ay goobta ka qabanayeen, balse dhismahan, waxaan hoy ahaan u isticmaala dadka aan guryaha lahayn (Darbi Jiif).

Saddexdaas ruux ayaa warbaahinta gudaha dalkaas waxay tabisay inay ahaayeen Labo Rag ah iyo hal qof uu dumar ah.

Khubaro ku xeel-dheer dhinaca masiibada dabka ayaa baaraya waxa keenay inay gubato goobtan taariikhiga ah.

Warshadan ayaa shaqayn jirtay muddo dhan Qarni gaar ahaan sannadihii u dhaxeeyay 1903 ilaa 2002dii, markii la xiray ka dibna dawladda ayaa dabada ka riixaysay qorshe goobtaas lagaga dhiso dhismeyaal badan oo deegaaan ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM