Dad badan oo ku dhintay Dab Ka Kacay Hoteel Ku Yaalla Turkey

Image

Bolu, Turkey – Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhimatay, 51 qof kale oo dhaawacmay ka dib markii dab ka kacay hoteel caan ah oo ku yaal goob ski ah oo ku taalla gobolka Bolu ee dalka Turkey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkey, Ali Yerlikaya, ayaa u sheegay warbaahinta "waxaan ku jirnaa xanuun weyn" ka dib markii uu booqday goobta uu ka dhacay dabka ee hoteelka 12-dhismo ee Grand Kartal ee ku yaalla resort-ka Kartalkaya.

Yerlikaya ayaa xaqiijiyay in 66 qof ay geeriyoodeen, iyadoo Wasiirka Caafimaadka Kemal Memisoglu uu sheegay in ugu yaraan mid ka mid ah kuwa dhaawacmay uu xaalad adag ku jiro.

Dabka ayaa ka bilowday qiyaastii 3:30 subaxnimo qaybta makhaayadda ee hoteelka, waxaana la baarayaa sababta dabka ka dambeysa.

Labada dhibane ee ugu horreeyay ayaa geeriyooday kadib markii ay ka boodeen dhismaha iyagoo ku jira baqdin, sida uu sheegay Guddoomiyaha gobolka Abdulaziz Aydin ee la hadlay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Telefishinka gaarka ah ee NTV ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka ay isku dayeen inay hoos ugu soo degaan qolalkooda iyagoo adeegsanaya jaakado iyo bustayaal. Waxaa hoteelka degganaa 234 marti, sida uu sheegay Aydin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM