Dadka gobolka Catalonia oo u codeeyey inay ka go'aan Spain

Image

November 10, 2014 (GO)- Natiijo hordhac ah oo kasoo baxday afti laga qaaday dadka ku nool gobolka Catalonia ee dalka Spain ayaa muujineysa in 80% dadku u codeeyaan in gobolkaasi noqdo mid ka madax banaan dalka Spain intiisa kale.

Aftida oo dadka lagu weydiinayey inay "HAA" ama "Maya" kaga jawaabaan su'aasha ah " Catalonia Spain maka sii mid ahaan doontaa? " waxaa ka qayb galay in ka badan hal milyan oo qof, dadkaasoo 80.72% "Haa" ku codeeyeen.

Gudoomiyaha gobolka Catalonia Artur Mas ayaa natiijada aftida kasoo baxday ku tilmaamay guul weyn, maadaama ay cadeyn u tahay sida katalooniyiintu uga mideysan yihiin inay ka madax banaanaadaan Spain inteeda kale.

Aftidan oo horay qorshuhu ahaa inay noqoto mid rasmi ah waxaa bishii hore ee October diidey maxkamadda sare ee dalka Spain, kadib markii la sheegay inaysan sharci ahayn maadaama dastuurka dalkaasi dhigayo in hal gobol oo keli aan afti laga qaadi karin balse loo baahan yahay in aftidu noqoto mid si siman uga dhacda dhammaan gobolada.

Gobolka Catalonia oo ah kan ugu qanisan Spain soona saara shan meelood hal meel dhaqaalaha guud ee dalka caasimadiisuna tahay magaalada Barcelona , waxaa ku nool in ka badan todoba milyan oo qof oo leh dhaqan iyo luqad iyaga gaar u ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xabsi ku yaalla Lubnaan oo laga sii daayay wiilka Qadaafi oo 10 sano xirnaa

Hannibal Gaddafi ayaa la xiray sanadkii 2015, waxaana lagu eedeeyay in uu qarinayo xog muhiim ah oo la xiriirta maqnaanshaha Muuse al-Sadr.

  • Caalamka

    18-10-2025

  • 05:31AM

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Japan oo caan ku ahaa raalligelintii Dagaalkii 2aad ee Adduunka oo geeriyooday

Hiroyuki Takano, xoghayaha guud ee xisbigaas ee gobolka Oita — halkii uu kasoo jeeday Murayama.

  • Caalamka

    17-10-2025

  • 09:16AM