Dadka gobolka Catalonia oo u codeeyey inay ka go'aan Spain

Image

November 10, 2014 (GO)- Natiijo hordhac ah oo kasoo baxday afti laga qaaday dadka ku nool gobolka Catalonia ee dalka Spain ayaa muujineysa in 80% dadku u codeeyaan in gobolkaasi noqdo mid ka madax banaan dalka Spain intiisa kale.

Aftida oo dadka lagu weydiinayey inay "HAA" ama "Maya" kaga jawaabaan su'aasha ah " Catalonia Spain maka sii mid ahaan doontaa? " waxaa ka qayb galay in ka badan hal milyan oo qof, dadkaasoo 80.72% "Haa" ku codeeyeen.

Gudoomiyaha gobolka Catalonia Artur Mas ayaa natiijada aftida kasoo baxday ku tilmaamay guul weyn, maadaama ay cadeyn u tahay sida katalooniyiintu uga mideysan yihiin inay ka madax banaanaadaan Spain inteeda kale.

Aftidan oo horay qorshuhu ahaa inay noqoto mid rasmi ah waxaa bishii hore ee October diidey maxkamadda sare ee dalka Spain, kadib markii la sheegay inaysan sharci ahayn maadaama dastuurka dalkaasi dhigayo in hal gobol oo keli aan afti laga qaadi karin balse loo baahan yahay in aftidu noqoto mid si siman uga dhacda dhammaan gobolada.

Gobolka Catalonia oo ah kan ugu qanisan Spain soona saara shan meelood hal meel dhaqaalaha guud ee dalka caasimadiisuna tahay magaalada Barcelona , waxaa ku nool in ka badan todoba milyan oo qof oo leh dhaqan iyo luqad iyaga gaar u ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Yemen oo Sheegay in Dagaalyahanno Al-Shabaab ah Lagu Dilay Dagaallada Xuutiyiinta

Xabbad-joojintii ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadisay ayaa dhacday bilo kadib markii la gaaray 2022-kii.

  • Caalamka

    08-09-2026

  • 12:38PM

Xiisadda Xuutiyiinta iyo Sacuudiga oo Kasii Dartay Kaddib Weerar Gantaallo iyo Drone ah

Kooxda ayaa sheegtay inay beegsatay xarumaha Aramco ee Jazan, Abha iyo Najran, iyo sidoo kale saldhigga ciidamada cirka ee Khamis Mushait.

  • Caalamka

    08-09-2026

  • 11:46AM