Dadkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo lagu qabtay Howlgalka ICE ee Minnesota

Image

MINNEAPOLIS - Shan qof oo Soomaali ah ayaa lagu xiray magaaladda Minneapolis Maalintii Khamiista shalay kadib labo maalin markii Trump uu sheegay in dadka Soomaalida ah aan laga rabin Mareykanka inay joogaan.

Ciidamada ICE ayaa la geeyay gobolka Minnesota, waxayna billaabeen inay qab-qabtaan dadka aan sharciyada heysan, kuwaasoo u badan Soomaali dhawaan derbiga Mexico kasoo boodey, oo si sharci-darro ah ku joogan gudaha Mareykanka, iyagoo aan la qaabilin.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Amniga dowladda Mareykanka Tricia McLaughlin ayaa ku tilmaamay Soomaalida inay qeyb ka yihiin Muhaajiriinta dembiyada ka geysta gudaha gobolka. Illaa 12 qof ayaa la xiray, oo shan Soomaali yihiin halka kuwa kale kasoo jeedaan Mexico iyo El Salvador.

Trump ayaa qashin ku tilmaamay dadka Soomaalida, halkaas oo dhaliyay cambaareeyn culus oo ay u jeediyeen mas'uuliyiinta gobolka Minnesota iyo kuwa magaaladda Minneapolis, iyagoo ku tilmaamay Madaxweynaha inuu yahay cunsuri neceb soo-galootiga iyo Muslimiinta.

Howlgallada tarxiilka ICE wado waxay aad uga socdaan magaalooyinka iyo gobolada ay siyasiyiinta xisbiga Mucaaradka maamulaan, waxaana Trump uu ku eedeeyay Biden inuu u ogolaadan Mareykanka inay qaxooti badan soo galaan mudadii uu xafiiska joogay.

Soomaalida Minnasota ayaa walaac ka muujiyay tarxiilka billowday iyo beegsiga uu Trump ku hayo, iyadoo arinta keeni karto dad badan in dib loogu soo celiyo dalka Soomaaliya oo colaad iyo amni darro uga carareen markii hore, halka dhalinyarada dhawaan galay Mareykanka fursado u raadsadeen dalkaas.

Trump ayaa sidoo kale Ilhan Omar ku qaadey weerar afka ah, isagoo ku yiri 'dalkaaga ku laabo, oo hagaaji', inta ka caban lahayd dastuurka iyo sharciga dalka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Serbia: Xiriirka Yurub iyo Mareykanka wuxuu gaarey meeshii ugu xumayd

Warbixinno cusub ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Mareykanka uu qorsheynayo in uu kala baxo ku dhowaad 5,000 oo askari oo ku sugnaa Jarmalka.

  • Caalamka

    03-05-2026

  • 12:27PM

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM