Dagaal dib uga qarxay Suudaanta Koonfureed

Image

Dagaal ayaa dib uga qarxay dalka Suudaanta Koonfureed kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoogag mucaaradka, sida ay saraakiisha wadankaasi sheegeen.

Afhayeen u hadlay dowaldda ayaa sheegay dagaalka uu yimid kadib markii mucaaradka ay weerar kusoo qaadeen saldhig military oo ku yaalla galbeed magaalada Jubba.

Dagaalka oo ay ku dhinteen tiro dad ah ayaa waxay dowladda ku eedaysay inay ka dambayaan xoogag taabacsan Taliye ciidan oo ka faloogoobay, kaasi oo dhinac mucaaradka u goostay dhawaan.

Colaadda ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo uu burburay heshiiskii Nabada ee dowladda Suudaanta Koondureed iyo Mucaaradka ay kuwada saxiixdeen bishii lasoo dhaafay dalka Itoobiya.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi Riek Machar, oo hadda ah hogaamiyaha mucaaradka ayaa iska fogeeyay in malleeshiyaadkiisa ay ku lug lahaayeen dagaalka ka dhacay nawaaxiga Jubba.

Riek Machar, ayaa ku biiray mucaaradka kadib markii uu xilka Madaxweyne ku xigeen uu ka qaadey Madaxweyne Salva Kiir sanadkii 2013, waxaana uu la galay dowladda dagaal dhiig badan ku daatey.

Suudaanta Koonfureed oo ah dalka ugu da'da yar aduunka, ayaa ka go'aday Suudaan inteeda kale bishii July, 2011-dii ayaa la dagay dagaal Sokeeye, kaasi oo ay ku dhinteen kumanaan qof, iyadoo malaayiin kala ay guryahooda ka carareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM