Dagaal dib uga qarxay Suudaanta Koonfureed

Image

Dagaal ayaa dib uga qarxay dalka Suudaanta Koonfureed kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoogag mucaaradka, sida ay saraakiisha wadankaasi sheegeen.

Afhayeen u hadlay dowaldda ayaa sheegay dagaalka uu yimid kadib markii mucaaradka ay weerar kusoo qaadeen saldhig military oo ku yaalla galbeed magaalada Jubba.

Dagaalka oo ay ku dhinteen tiro dad ah ayaa waxay dowladda ku eedaysay inay ka dambayaan xoogag taabacsan Taliye ciidan oo ka faloogoobay, kaasi oo dhinac mucaaradka u goostay dhawaan.

Colaadda ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo uu burburay heshiiskii Nabada ee dowladda Suudaanta Koondureed iyo Mucaaradka ay kuwada saxiixdeen bishii lasoo dhaafay dalka Itoobiya.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi Riek Machar, oo hadda ah hogaamiyaha mucaaradka ayaa iska fogeeyay in malleeshiyaadkiisa ay ku lug lahaayeen dagaalka ka dhacay nawaaxiga Jubba.

Riek Machar, ayaa ku biiray mucaaradka kadib markii uu xilka Madaxweyne ku xigeen uu ka qaadey Madaxweyne Salva Kiir sanadkii 2013, waxaana uu la galay dowladda dagaal dhiig badan ku daatey.

Suudaanta Koonfureed oo ah dalka ugu da'da yar aduunka, ayaa ka go'aday Suudaan inteeda kale bishii July, 2011-dii ayaa la dagay dagaal Sokeeye, kaasi oo ay ku dhinteen kumanaan qof, iyadoo malaayiin kala ay guryahooda ka carareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM