Dagaal ka dhacay caasumadda dalka Syria

Image

Dagaal culus ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay magaalada Dimishiq ee xarunta dalka Syria, kadib markii xoogaga mucaaradka ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay; bariga magaalada Dimishiq, waxaana xigay duqeyn xooggan oo mucaaradka ku garaaceen xaruumaha dowladda, sida ay sheegtay Kooxda la socodka arrimaha Syria.

Dagaalyahano katirsan Ururka Fateh al-Sham, oo horey uga tirsanaa AL Qaeda ayaa fuliyay weerarka magaalada Dimishiq, kaasi oo ku billowday qaraxyo ismiidaamin ah oo lala eegtay saldhigyo cmilitary.

Diyaaradaha dagaalka Syria ayaa duqeeyay in ka badan 30 goobood oo mucaaradka ay ku sugan yihiin.

Warbaahinta dowladda Syria ayaa beenisay inay mucaaradka galeen magaalada caasimada, waxaana ay sheegeen in laga hortagay weerarkaas, oo lagu dilay Sagaal Askari iyo 12 dagaalayahano oo kamid ahaa Fateh al-Sham.

Dagaalka magaalada Dimishiq ayaa waxa uu kusoo beegmayaa maalmo kahor inta uusan furmin wareeg cusub oo wadahadalada lagu raadinayo xalka colaadda mudada lixda sano ka taagan Syria oo ka dhici doono magaalada Geneva.

Mucaaradka iyo dowladda Syria ayaa bishi December gaarey heshiis xabad-joojin ah, oo fashilmay  kadib markii ay labada dhinac ku guul dareesteen joojinta dagaalka dalkaasi.

In ka badan 320,000 oo qof ayaa lagu dilay colaadda sokeeye ee Syria, oo hadda lix sano jirsatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM