Dhulgariirka Afghanistan: Dad laga baadi-goobayo dhismooyinka dumay

Image

AFGHANISTAN — Baadi-goob lagu doonayo in lagu helo dad weli ku hoos jira dhismooyinka dumay ayaa si xawli ah uga socota bariga dalka Afgaanistaan, kaddib dhulgariir xooggan oo Axaddii fiidkii gilgilay deegaanno badan.

Dhulgariirka oo cabbirkiisu ahaa 6.0 ayaa si weyn u saameeyay gobolka Kunar, gaar ahaan tuulooyinka buuraha ku yaalla, iyadoo sidoo kale laga dareemay magaalada Jalalabad ee gobolka dariska la ah ee Nangarhar.

Ugu yaraan 900 qof ayaa la rumeysan yahay inay dhinteen, halka in ka badan 3,000 oo kale ay ku dhaawacmeen. Roobab iyo cimilada daran ayaa caqabad ku noqotay hawlaha samatabbixinta, iyadoo kooxaha gurmadka ay ku dhibban yihiin inay gaaraan deegaannada fogfog ee ay musiibadu saameysay.

“Qof walba wuxuu mashquul ku yahay murugadiisa; xaaladdu aad bay u xun tahay,” ayuu yiri Gul Khaliq, oo ah qof deggan Kunar, kuna waayey wiilkiisa wiilka uu dhalay dhulgariirka.

Muuqaallo laga helay goobaha ayaa muujinaya samatabbixiyeyaasha oo dadka dhaawacmay ka saarayay burburka, kuna ridaya bareelo si loogu qaado helikobtarrada, iyadoo dad kalena ay gacmahooda ku faagayaan si ay u helaan kuwa ku hoos jira dhismooyinka.

Dhismayaasha Afgaanistaan intooda badan waa kuwo dhulka hoose ah, laguna dhisay sibir, leben iyo mararka qaar dhoobo iyo alwaax — gaar ahaan tuulooyinka iyo meelaha miyiga ah. Tiro badan oo guryo ah ayaa ah kuwo aan adkeyn oo si liidata loo dhisay.

Kaddib tobannaan sano oo dagaal ah iyo gargaarkii beesha caalamka oo yaraaday tan iyo markii ay Taliban-ku la wareegeen dalka sanadkii 2021, masiibadan cusub waxay si weyn u cadaadin doontaa kheyraadka dalka.

Maamulka Kabul ayaa baaq u diray caalamka, iyagoo ka codsaday in gargaar degdeg ah lala soo gaaro si wax looga qabto xaaladda ba’an ee ka dhalatay dhulgariirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM