Dibadbaxyo ka bilowday dalka Spain

Image

MADRID, Spain - Dibadbaxyo ballaaran ayaa ka socda guud ahaan dalka Spain, ayadoo ay taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay madax bannaanida uu doonayo gobolka Catalonia.

Tobanaan kun oo qof oo taageersan midnimada Spain ayaa isugu soo baxay caasimadda Madrid, halkaasi oo uu kula hadlay xildhibaan Pablo Casado oo ka tirsan xisbiga talada haya.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dadka mudaharaadka dhigayay inay isdejiyaan, asagoo intaa ku daray in Catalonia aanay weligeed noqon doonin dal madax bannaan.

Sidoo kale dad u ololeynaya in mas'uuliyiinta Madrid iyo Barcelona ay wadahadal ku dhameeyaan xiisadda taagan, ayaa isugu yimid guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Spain, waxaana halku dhig ay ka dhigteen "Spain way ka wanaagsan tahay hogaankeeda".

Dhanka kale, sharikadaha ganacsiga ayaa ka baxaya gobolka Catalonia, ayadoo Caixa Foundation oo maamusha mid ka mid ah bangiyada ugu weyn ay sheegtay inay xarunteeda u rarayso magaalada Palma de Mallorca.

Source: BBC

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM