Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Image

Tirana, Albania – Kumannaan qof ayaa dibadbaxyo waaweyn ka dhigay caasimadda Albania ee Tirana, iyagoo ka soo horjeeda mashruuc dalxiis oo lagu qiyaasay $4 bilyan oo lagu horumarinayo qaybo ka mid ah xeebaha la ilaaliyo ee dalkaas, mashruucaasi oo lala xiriirinayo Jared Kushner, seyga Ivanka Trump.

Dibadbaxayaasha oo ku bannaanbaxayay halku-dhigga “Albania lama iibin karo” ayaa ka soo dhaqaaqay Fagaaraha Skanderbeg una socday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo diiddan qorshaha lagu horumarinayo deegaanka Zvernec ee u dhow magaalada xeebta ku taalla ee Vlora.

Bannaanbaxayaasha ayaa watay boorar iyo hal-ku-dhigyo ay ku dalbanayeen in la ilaaliyo deegaanada xasaasiga ah ee dabiiciga ah, isla markaana laga hortago dhismaha laga wado goobaha sharci ahaan la ilaaliyo.

Muranka ugu weyn ayaa ku saabsan qorshe lagu doonayo in lagu horumariyo Sazan Island iyo qaybo ka mid ah nidaamka deegaanka ee Narta-Zvernec, oo ay ku jiraan dhul-biyoodyo iyo harooyin xeebeed, si loogu beddelo xarun dalxiis oo qaali ah.

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo. Shirkadda maalgashiga ee Kushner ayaa wada qorshahan, iyadoo taageero ka heshay dowladda Albania.

Kooxaha deegaanka iyo dadka deegaanka ayaa ka digaya in mashruucu dhaawac weyn u geysan karo mid ka mid ah gobollada xeebaha ugu nugul deegaanka ee Albania, isla markaana saameyn ku yeelan karo hantida qoysas ka tirsan bulshada laga tirada badan yahay ee Giriigga oo halkaas deggen.

Xiisadda ayaa sii korortay dhammaadkii toddobaadka markii iska horimaadyo dhexmareen dibadbaxayaal iyo ilaalada gaarka ah ee goobta mashruuca. Waxaa la sheegay in buufinta gaaska basbaaska ay saameysay bannaanbaxayaasha iyo qaar ka mid ah ciidamada booliiska. Shirkadda ammaanka ayaa markii dambe shaacisay in shaqada laga joojiyay qaar ka mid ah shaqaalihii ku lugta lahaa dhacdada.

Mashruucu wuxuu sidoo kale isu beddelay arrin siyaasadeed, iyadoo dibadbaxayaashu ay dalbanayaan iscasilaadda Ra’iisul Wasaaraha Albania, Edi Rama, kuna eedeynayaan dowladdiisa inay fududeysay mashruuca iyadoo wax ka beddeshay sharciyada la xiriira dhulka la ilaaliyo sannadkii 2024.

Rama ayaa difaacay mashruuca, isaga oo sheegay in horumarinta goobta lagu wado si waafaqsan shuruudaha sharciga iyo ilaalinta deegaanka. Dowladda Albania ayaa muddooyinkii dambe dhiirrigelinaysay maalgashiyada dalxiiska heerka sare ah si loo soo jiito maalgelin shisheeye loona ballaariyo warshadaha dalxiiska ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa looga hadlay Shirka Soomaaliya ka qayb gashay ee ka dhacay South Korea?

Shirka ayaa loo arkaa madal muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-hadalka iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:30PM

Trump oo Netanyahu Ku Tilmaamay Qof Waalan Kadib Weerarrada Israa’iil ee Lubnaan

Xiisadda u dhexeysa Trump iyo Netanyahu ma ahan mid cusub, hase yeeshee ilo Mareykan ah…

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 06:19AM