Diyaarad ku burburtay Iran iyo wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha

Image

TEHRAN - Diyaarad nooca rakaab ah oo ay la socdaan 66 qof ayaa ku burburtay saaka oo Axad ah bartamaha dalka Iran, iyadoo ay ku dhinteen dhamaan dadkii saarnaa, sida ay sheegtay Warbaahinta dalkaasi.

Diyaaraddan oo ay leedahay Shirkadda Aseman Airlines ayaa kasoo duushay Garoonka Mehrabad oo ku yaalla magaalada Tehran ee caasimadda Iran, iyadoo kusii jeeday degmada Yasuj ee Koonfurta dalkaasi.

Sarkaal katirsan Shirkadda Aseman Airlines ayaa xaqiijiyay in diyaaradda ay ku dhacday dhulka buuralayda ah ee "Dena Mount" oo ku dhaw magaalada Semirom, 500KM Koonfur uga beegan Tehran.

Wakaaladda Wararka dowladda Iran Fars News Agency ayaa sheegtay in Diyaaradda oo nooceedu ahaa ATR 72, ay lumisay xiriirkii waxyar kadib markii ay kasoo duushay saaka Garoonka magaalada Tehran.

Diyaarad Helicopter ah oo loo diray goobta ay ku dhacday Diyaaradda ayaa dib usoo noqotay sababo la xiriira cilmilada oo aad u xun, iyadoo taasi ay saameysay in kooxaha gurmadka ay goobta shilka tagaan.

Afhayeen u hadlay Hay'adaha Gurmadka Iran oo lagu magacaabo Mojtaba Khaledi ayaa xaqiijiyay in shaqaalaha gargaarka ay safar dhanka dhulka ah ku tageen meesha ay Diyaaradda ku dhacday, islamarkaana ay isku dayayaan inay helaan haraadiga diyaaradda.

Dowladda Iran ayaa sheegtay inay baarayso sababta ka dambaysa inay diyaaradda soo dhacdo, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in cilamada oo aad u xun ay sababtu tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM