Diyaarad ku jeeday Spain oo si deg deg ah loo soo dejiyay [Akhri Sababta]

Image
Image

Diyaaradan oo ay leedahay shirkadda Transavia ayaa kasoo baxday dalka Holland, islamarkaana kusii jeeday wadanka Spain, laakiin Portugal ayaa loogu dejiyay si lama filaan ah markii mid kamid ah Rakaabkii uu ku dhex-matagay diyaarada dhexdeeda.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in ninka ay isku dayeen Shaqaalaha diyaarada inay geeyaan Suulida/musqusha, laakiin uu ka dhago adeegay, taasoo keentay in Rakaabka u dulqaadan waayaan Urka matagiisa, kadibna diyaaradda la dejiyay.

Wuxuu ku sheegay sababta loosoo dejiyay diyaarada ay ahayd sababo caafimaad, islamarkaana markii ay kusoo dageen garoonka Faro oo ku yaala Waqooyga dalka Portugal loola cararay ninka xanuunsan Isbtitaal, lagana reebay duulimaadka diyaaradda.

Sawirro ay soo qaadeen dadka Rakaabka ahaa waxay muujinayeen iyadoo ninkaan ay Garbaha ka hayaan shaqaalo caafimaad, kuwaasoo ula cararay goobaha caafimaad si loo qiimeeyo xaaladiisa iyo sida xanuunka ku yimid.

Dadka saarnaa diyaarada oo badankood ahaa Dalxiisayaal ayaa waxay kusii jeedeen Jaziiradda Gran Canaria oo ku taala meel ka baxsan Woqooyi Galbeed ee Afrika, taasi oo ay maamusho dowladda Spain.

Ma ahan markii ugu horeysay oo diyaarada ay leedahay shirkadda Transavia lagu qasbo inay soo soo degasho aan la qorsheyn sameyso, waxaa horey u jiray dhacdooyin badan oo noocan ah.

Bishii Fabuary Diyaarad ka timid Abu Dubai oo kusoo wajahneed Amsterdam ay kusoo degtay garoonka caasimada Austria ee Vienna, kadib markii qof Rakaab ah uu joojin waayey Dhuuso, taasoo ay keentay Buuq badan oo Rakaabka kale ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM