Diyaarad Yemen ku dishay 42 qof oo Somali ah

Image
Image
Image
Image

SANCA, Yemen- Saraakiisha caafimaadka dalka Yemen ayaa xaqiijiyay geerida dad Somaliyeed oo xalay lagu duqeeyay badda iyagoo saarnaa duuni yar islamarkaana kusii jeeday waddanka Suudaan.

Weerarkaas oo dhanka cirka ah ay ka fulisay diyaarad ah nooca qumaatiga u kaca ayaa lagu dilay 42 qof kuwaasoo isugu jira, dumar, carruur iyo rag.

Qaar kamid ah dadkii kasoo bad-baaday duqayntaas ayaa sheegay inay ahaayeen qoysas Somaliyeed oo ka cararay colaadaha ka jira dalka Yemen.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyadda duqayntaas, balse kooxaha mucaaradka ah ee ku sugan Yemen ayaa arrintaasi ku eedeeyay Isbahaysiga uu horkacayo Sacuudiga, kuwaasoo duqayn ka waday nawaaxiga magaalada Xudayda.

Mashaqadan ayaa ka dhacday degmo xeebeedka Xudayda, iyadoo maydka dadkaas lagusoo bandhigay goob fagaaro ah.

Dhinaca is-bahaysiga la eedeeyay kama aysan hadlin dhacdadan oo kusoo aaday xilli dalkaas ay duqayn kawadeen ilaa sannadkii 2015.

Dowladda Somalia lafteeda war kama soo saarin dhacdadan oo kusoo aaday Xilli Somali badan kasoo noqdeen Yemen, wixii ka dambeeyay kacdoonkii shacab ee sannadkaas ka dhacay.

Duqaymaha dalkaas kasocda, waxaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa Toban kun qof oo shacab ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM