Diyaaradaha Israel oo duqeyn ka geystey Marinka Gaza

Image

December 20, 2014 (GO)- Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa goor hore oo saaka ah duqeeyey bartilmaameedyo ku yaalla Marinka Gaza ee dhulka Falastiin.

Duqeyntan oo sida Israel sheegtay jawaab u ah gantaal shalay oo Jimce ahayd laga soo tuuray dhanka Falastiin waxay noqonaysaa tii ugu horeysey kadib dagaalkii 50ka maalmood socdey ee afar bilood kahor dhex maray Israel iyo Xamaas.

Goob joogaaal ku sugan Mariga Gaza ayaa u sheegay telefishinka Al-jazeera in diyaaradaha Israel ee noocoodu yahay f16 saddex gantaal kusoo rideen xarumo ururka Xamaas ku leeyahay magaalada Khan Yoonis, inkastoo cidna aysan duqeyntaas  wax ku noqon.

Dowlada Masar ayaa bishii August ee lasoo dhaafay ku guuleysatey inay xabad joojin kala dhex dhigto Israel iyo Xamaas kadib dagaal muddo 50 maalmood ah soconayey islamarkaana galaaftay nolosha 2,140 oo Falastiiniyiin ah iyo 73 Israel u dhashay badankooduna askar ahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM