Diyaaradii ugu horeysay oo ka duushay Dimishiq kadib ridistii Bashaar Al-Asad

Image

DAMASCUS, Suuriya - Gegida dayuuradaha ee caasimadda Suuriya ee Dimishiq ayaa Arbacadii maanta dib u bilaabay hawlihii duulimaadka ka dib markii ay dhacday horaantii bishan dowladdii Bashaar Al-Asad.

Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Syrian Airlines oo ka soo duushay garoonka Dimishiq ayaa ku degtay Xalab, taasoo calaamad u ah duulimaadkii ugu horreeyay ee labada magaalo – oo ah tii ugu weyneyd ee dalkaasi – tan iyo burburkii taliskii Bashaar.

Bashaar Assad, hogaamiyaha Suuriya muddo ku dhow 25 sano, ayaa u baxsaday Ruushka ka dib markii kooxaha ka soo horjeeda maamulkiisa ay la wareegeen dalka 8-dii December, taasoo soo afjartay taliskii xisbiga Baath Party, oo xukunka hayay tan iyo 1963.

Horraantii toddobaadkan, shaqaalaha madaarku waxa ay diyaarado ku sawirayeen calanka saddexda xiddigle ee madaxbannaanida oo astaan ​​u noqday kacdoonkii 2011-kii oo madaxda cusub ee dalku ay qaateen. Wuxuu bedelay midkii jiray xilligii al-Assad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM

Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha oo kulan muhiim ah ku yeeshay South Korea

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen khilaafaadka canshuuraha ganacsiga.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 05:34AM