Diyaaradii ugu horeysay oo ka duushay Dimishiq kadib ridistii Bashaar Al-Asad

Image

DAMASCUS, Suuriya - Gegida dayuuradaha ee caasimadda Suuriya ee Dimishiq ayaa Arbacadii maanta dib u bilaabay hawlihii duulimaadka ka dib markii ay dhacday horaantii bishan dowladdii Bashaar Al-Asad.

Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Syrian Airlines oo ka soo duushay garoonka Dimishiq ayaa ku degtay Xalab, taasoo calaamad u ah duulimaadkii ugu horreeyay ee labada magaalo – oo ah tii ugu weyneyd ee dalkaasi – tan iyo burburkii taliskii Bashaar.

Bashaar Assad, hogaamiyaha Suuriya muddo ku dhow 25 sano, ayaa u baxsaday Ruushka ka dib markii kooxaha ka soo horjeeda maamulkiisa ay la wareegeen dalka 8-dii December, taasoo soo afjartay taliskii xisbiga Baath Party, oo xukunka hayay tan iyo 1963.

Horraantii toddobaadkan, shaqaalaha madaarku waxa ay diyaarado ku sawirayeen calanka saddexda xiddigle ee madaxbannaanida oo astaan ​​u noqday kacdoonkii 2011-kii oo madaxda cusub ee dalku ay qaateen. Wuxuu bedelay midkii jiray xilligii al-Assad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM