Dowlada Imaraadka oo bilowdey olole lagu taakulaynayo shacabka Somalia

Image

ABU-DHABI- Saxaafada dalka Imaraadka ayaa maanta bilowdey olole lagu taageerayo shacabka Somalia oo abaartu waxyeelada gaarsiisey kaasoo loogu magac darey " Adigaa Iska Leh Somalia" .

Barnaamijyo ka hadlaya sidii taakuleyn deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka abaartu waxyeelada ba'an gaarsiisey ayaa ka baxay maanta oo Jimce ah talefishinada magaalooyinka Abu Dhabi, Dubai iyo Sharjah halka sidoo kale ay ka qayb qaateen idaacdaha, shirkadaha Isgaarsiinta iyo khudbadihi masaajidyada ka baxayey.

Amarka lagu bilaabey barnaamijyadaan mucaawinada loogu uririnayo shacabka Somalia si Loola dagaalamo saameynta abaartu ayaa waxaa baxshey Shiikh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan. 

Barnaamijkaan ayaa sidoo kale haysta tageerada Shiikh Mohamad Bin Rashid Al Maktoum oo ah madaxweyne ku xigeenka dalka Imaraadka, Ra'isal wasaare islamarkaana ah ninka xakuma Dubai.

Saxaafada Dubai ayaa saaka waxaa loo kala direy fariimaha twitter iyadoo loo sheegey iney ka qayb qaataan barnaamijyada ururinta taakuleynta shacbaka Somalia taasoo deg deg ah.

Shirkadaha Isgaarsiinta sida Etsalat iyo Du ayaa macaamiishooda u sheegey in lacagaha deeqda ah ku bixiyaan iyagoo isticmaalaya numberada SMS ee hoos ku qoran.

For du users: Dh10, SMS to 7110 Dh50, SMS to 7150; Dh100, SMS to 7100; Dh200, SMS to 7200

For Etisalat users: Dh10, SMS to 4010; Dh50, SMS to 7050; Dh100, SMS to 7100; AED200, SMS to 7200

Dowlada Imaraadka ayaa asbuucii hore ku dhawaaqdey in 500 million dirham ugu deeqeyso shacbaka Somalia ee abaartu waxyeelada gaarsiisey.

Qaramada Midoobey ayaa sheegey in dalka Somalia deg deg ugu baahan yahay 24 million dollar.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM