Dowladda Soomaaliya oo baaq kasoo saartey xaalada Gaza iyo Lubaan

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee dowladaha Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbad ka jeediyay, Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee dowladaha Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga, kaasi oo looga hadlayo xaaladdaha Beni-aadannimo ee ay wajahayaan shacabka ree Falastiin iyo Lubnaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadaljeedintiisa ku dul istaagay mugga qasaaraha gaaray shacabka Biri ma-geydada ah Falastiin iyo Lubnaan, xasuuqa aan loo meel dayin iyo burburka kaabayaasha nolosha, isaga oo soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee xalka Nabad waarta oo ka hanaqaadda Bariga dhexe.

“Qadiyadda Gaza, waa mid ka gun weyn siyaasad iyo afkaar intaba, waxa ayna salka ku haysaa xuquuqda aadanaha, karaamada iyo caddaaladda. Xalka nabad waarta oo bariga dhexe ka dhalata, waxa uu ku imaan karaa oo kaliya in la sameeyo dowlad Falastiini ah oo leh xuduudaheedii 1967-kii, caasimaddeeduna tahay Qudus”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay madaxda dowladdaha Shirka ka qayb galaya iyo beesha caalamka in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo gurmad degdeg ah lagu gaarsiinayo shacabka dhibaateysan, waxa uuna soo jeediyay in la dhaqan galiyo xabad joojin degdeg ah, isla markaana dib loogu laabto miiska wada hadallada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM