Dowladda Suuriya oo xabbad-joojin la gaartay SDF kadib markii ay dib ula wareegtay inta badan gobollada

Image

Dimishiq — Dowladda Suuriya iyo xoogagga Kurdish-led Syrian Democratic Forces (SDF) ayaa Axaddii ku dhawaaqay xabbad-joojin degdeg ah, kadib toddobaadyo dagaal goos-goos ah oo ugu dambeyn u janjeeray dhanka ciidamada dowladda, kuwaas oo la wareegay dhul iyo xarumo istaraatiiji ah, si weynna u wiiqay awooddii iyo saameyntii SDF.

Heshiiska, oo ka kooban 14 qodob, kana soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Suuriya fiidkii Axadda, ayaa yimid laba maalmood kadib markii ciidamada dowladda ay si xawli ah u galeen deegaanno ay SDF ka talinaysay sanado, oo ay ku jiraan degmooyin ay ku badan yihiin Carabta, halkaas oo xakamaynta SDF horey u ahayd mid nugul. Isla Axadda, ciidamada dowladda ayaa sidoo kale la wareegay goobta saliidda ugu weyn dalka, taas oo ballaarisay gacanta dowladda ee waqooyiga iyo bariga Suuriya, isla markaana ka jartay SDF il dhaqaale oo muhiim ah.

Khubaro falanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegay in waqtiga heshiiskan uu muujinayo isbeddel weyn oo dhinaca awoodda ah. Inkastoo labada dhinac ay horay u gaareen is-afgaradyo la mid ah, haddana heshiiskan cusub wuxuu yimid kadib guul ciidan dowladdu ka gaarey furimaha, taas oo SDF ku qasabtay inay wada-hadallada ku gasho iyadoo awooddeedu hoos u dhacday.

Sida ku cad heshiiska, SDF waxay si buuxda ugu wareejin doontaa Dimishiq maamulka iyo amniga magaalooyinka Raqqa ee waqooyiga iyo Deir Ezzor ee bariga, iyadoo ay ku harayso oo keliya maamulka gobolka Hasakah ee waqooyi-bari. Xarumo dowladeed iyo hay’ado ku jiray nidaam is-maamul ah oo ka jiray waqooyi-bari, oo ay hoggaaminayeen Kurdi, ayaa hadda hoos iman doona awoodda dowladda dhexe.

Mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn heshiiska ayaa dhigaya in dowladda Suuriya ay si buuxda ula wareegayso xuduudaha, ceelasha saliidda, iyo ilaha gaaska, iyadoo amnigooda ay sugayaan ciidamo rasmi ah si kheyraadka dib loogu celiyo khasnadda qaranka, iyadoo la tixgelinayo xaaladda gaarka ah ee deegaannada Kurdi.

Heshiiska ayaa sidoo kale ka hadlay mas’uuliyadda maxaabiista ISIS ee ay SDF haysay, isagoo sheegaya in Dimishiq ay hadda qaadanayso mas’uuliyadda sharci iyo amni, isla markaana ay sii wadi doonto hawlgallada ka dhanka ah haraadiga kooxdaasi.

Falanqeeye ka tirsan Atlantic Council, Omer Ozkizilcik, ayaa sheegay in qodobada heshiiskan ay aad ugu egyihiin dalabyo ay Ankara iyo Dimishiq horay u soo jeediyeen sannad ka hor, kuwaas oo loogu talagalay in si nabad ah lagu dhammeeyo khilaafka loona mideeyo qaab-dhismeedka maamul iyo ciidan ee SDF iyo dowladda dhexe. Bishii Maarso ee sannadkii hore, SDF waxay mabda’ ahaan ogolaatay in la dhexgeliyo hay’adaha rayidka iyo milatariga ee gobolka, hase yeeshee fulinta arrintaas ayaa hakad gashay.

Dowladda Suuriya ayaa hadda u muuqata mid dib u heshay hoggaanka siyaasadeed iyo midka militari. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa horey u sheegay in SDF ay dib u dhigtay fulinta heshiisyadii hore, taas oo keentay in heshiiskan cusub uu noqdo mid si cad u qeexaya sida is-dhexgalka loo fulinayo.

Qodob kale oo muhiim ah ayaa dhigaya in xubnaha ajnabiga ah ee ku xiran ururka PKK, oo ay Turkiga, Midowga Yurub iyo Mareykanku u aqoonsan yihiin urur argagixiso, laga saaro Suuriya. Dagaalyahannada haray ee SDF ayaa lagu dari doonaa ciidamada dowladda si shakhsi-shakhsi ah, kadib baaritaanno amni, iyadoo la siinayo darajooyin militari, mushahar iyo taageero saadka ah.

Falanqeeye Suuriyaan ah, Fadil Hanci, ayaa sheegay in heshiiskan cusub uu yahay mid ka “cad” heshiisyadii hore, isla markaana uu si adag u qeexayo sida loo dhexgelinayo SDF, taas oo yaraynaysa fursadaha ay SDF u fasiran karto qodobada si ka duwan.

Saameynta shakhsiyeed ee hoggaanka SDF ayaa sidoo kale muuqata. Sida uu sheegay Ozkizilcik, hoggaamiyaha SDF, Mazlum Abdi, ayaa lagu wadaa inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Hasakah. Tani waxay ka dhigeysaa inuu hoos yimaado nidaamka dowlad goboleedka ee Dimishiq, isla markaana uu ka mid noqdo taliyayaal goboleed oo ka tirsan dowladda dhexe, halkii laga filayay inuu helo xil qaran oo ka sarreeya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM

Trump oo dalalka ka dalbaday $1 bilyan si ay ugu biiraan guddigiisa nabadda Gaza

Israel ayaa si adag uga horyimid guddigan, iyadoo sheegtay in magacaabista aan lala xiriirin mas’uuliyiinta Israel.

  • Caalamka

    18-01-2026

  • 12:57PM