Dukumiintiyo sir ah oo muujinaya in UK ay 24 sano ka warqabtay Dambiyada Dagaal ee Israel

Image

LONDON, UK — Dukumiintiyo hore u ahaa sir oo laga helay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa muujinaya in diblomaasiyiinta dalkaasi ay muddo 24 sano ah ka warqabeen eedeymo la xiriira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ciidamada Israel ka geysteen dhulka Falastiiniyiinta la haysto.

Dukumiintiyada, oo la soo saaray 2024, ayaa ka hadlay dhacdooyin dhacay sanadkii 2002, xilligii xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore Tony Blair, waxaana dib loo soo bandhigay baaritaan ay samaysay Declassified UK.

Diiwaannada ayaa muujinaya in mas’uuliyiin British ah ay si weyn uga walaacsanaayeen hab-dhaqanka ciidamada Israel intii uu socday hawlgalkii militari ee Israel ka fulisay Daanta Galbeed bishii Maarso 2002.

Hawlgalkii loo bixiyay Operation Defensive Shield ayaa Israel ku sheegtay inuu ahaa jawaab ka dhan ah weerarro ay qaadeen kooxo hubeysan oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jireen Xamaas.

Sida ku xusan dukumiintiyada, ciidamada Israel ayaa bishii keliya ku dilay Daanta Galbeed ku dhowaad 500 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo intooda badan rayid ahaa, halka ku dhowaad 1,500 kalena ay dhaawacmeen. 

Mid ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa xilligaas hawlgallada Israel ku tilmaamay inay qayb ka ahaayeen “qaab joogto ah oo xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah.”

Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Britain ayaa sidoo kale si adag u dhaleeceeyay ciidamada Israel, isagoo ku tilmaamay ciidan aan nidaam wanaagsan lahayn oo adeegsada awood xad-dhaaf ah.

Dukumiintiyada ayaa sidoo kale xusay dhacdooyin ay shaqaalaha Laanqeyrta Cas loogu hanjabay hub, halka ambalaasyada caafimaadka loo diiday inay gaaraan dadka dhaawacmay.

Walaaca Britain ayaa xilligaas si toos ah loogu gudbiyay dowladda Israel. Michael Levy, oo ahaa ergeyga gaarka ah ee Blair, ayaa wasiirkii difaaca Israel ee xilligaas, Binyamin Ben-Eliezer, uga digay in xal militari uusan soo afjari karin colaadda, isla markaana hawlgalladaasi ay horseedi karaan dhalinyaro badan oo ku biirta weerarrada ismiidaaminta.

Britain oo hubka hakisay

Dukumiintiyada ayaa sidoo kale muujinaya in dowladda Blair ay 2002 si qarsoodi ah u hakisay dhoofinta qaar ka mid ah hubka Britain u dhoofin jirtay Israel, kadib markii la xaqiijiyay in qalab British ah loo adeegsaday dhulka la haysto iyadoo jebinaysa dammaanado hore loo bixiyay.

Si kastaba, Al Jazeera waxay sheegtay in dowladihii Britain ee xigay aysan qaadin tallaabo la mid ah hakintaas muddo dheer. 

Intii lagu jiray weerarkii Israel ee Gaza 2008-2009, xukuumaddii Gordon Brown waxay laashay qaar ka mid ah ruqsadihii hubka ee la xiriiray qalabka loo adeegsanayay ciidamada badda Israel.

Sannadkii 2014, xukuumaddii David Cameron waxay aqoonsatay 12 ruqsadood oo hub ah oo loo arkayay in la hakiyo kadib duullaankii Gaza, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 2,200 Falastiiniyiin ah, sida lagu sheegay xogta lagu soo bandhigay warbixinta. 

Sanadkii 2024, xukuumaddii Keir Starmer waxay hakisay 30 ka mid ah 350 ruqsadood oo hubka Britain ay siisay Israel, xilli tirada dadka lagu dilay dagaalka Gaza ay aad u kordhaysay.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay xog ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), taas oo diiwaangelisay kumannaan weerarro ah oo lagu qaaday adeegyada caafimaadka ee dhulka Falastiiniyiinta la haysto muddo labaatan sano ah.

Dukumiintiyada la shaaciyay ayaa sidaas darteed muujinaya farqiga u dhexeeya waxa ay dowladda Britain ka ogayd hab-dhaqanka ciidamada Israel iyo siyaasadaha ay qaadday sannadihii xigay, xilli London ay hadda sheegtay inay qaadday tallaabooyin dheeraad ah oo ku saabsan ganacsiga la xiriira deegaannada Israel ka dhistay Daanta Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar Drone oo Lagu Qaaday Kaabayaasha Shidaalka Sacuudiga

Weerarka ayaa kusoo beegmaya xilli marinka Bab al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed ay wajahaan xiisad sii kordheysa.

  • Caalamka

    12-09-2026

  • 05:31AM

Dagaalladii Afghanistan iyo Iraq: Diblomaasi Hore oo Ka Hadlay Khaladaadkii Mareykanka

Khalilzad ayaa sidoo kale dhaliilay go'aankii Mareykanka uu ku qaaday Iraq 2003, laba sano kadib duullaankii Afghanistan.

  • Caalamka

    12-09-2026

  • 05:03AM