Duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil ee Iran oo sii socda; in ka badan 1,045 qof oo la dilay

Image

IRAN - Duqeymaha ay wadajir u wadaan Mareykanka iyo Israel gudaha Iran ayaa weli socda, iyadoo ugu yaraan 1,045 qof la sheegay inay ku dhinteen tan iyo Sabtidii, sida ay sheegeen ilo ka tirsan dowladda Iran.

Wararka ka imanaya Iran ayaa tilmaamaya in weerarro isdaba joog ah lagu bartilmaameedsaday caasimadda Tehran iyo magaalooyin kale oo muhiim ah, taas oo sababtay khasaare naf iyo maalba leh.

Mas’uuliyiinta Iran ayaa sidoo kale sheegay in kumannaan qof ay ku dhaawacmeen duqeymaha, iyadoo isbitaallada dalka ay la tacaalayaan tirada sii kordheysa ee dadka dhaawaca ah.

Dhinaca kale, Iran ayaa la sheegay inay jawaab militari bixisay, iyadoo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku beegsatay Israel iyo saldhigyo ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin gobolka.

Xiisadda sii kordheysa ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in colaadda ay ku faafto Bariga Dhexe oo dhan, iyadoo dalal badan iyo hay’ado caalami ah ay ku baaqayaan in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Serbia: Xiriirka Yurub iyo Mareykanka wuxuu gaarey meeshii ugu xumayd

Warbixinno cusub ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Mareykanka uu qorsheynayo in uu kala baxo ku dhowaad 5,000 oo askari oo ku sugnaa Jarmalka.

  • Caalamka

    03-05-2026

  • 12:27PM

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM