​Duufaanta Irma oo khasaare ka geysatay Florida

Image

Duufaanta Irma ayaa ku dhufatay gobolka Florida ee dalka Maraykanka, ayadoo xeebta gobolkaasi ka geysatay fatahaad ballaaran isla markaana korontada ka jirtay ku dhawaad 3 milyan oo guryo iyo ganacsiyo isugu jira.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay duufaanta ku dhufatay Florida.

Duufaanta Irma ayaa ugu horeyn ku dhufatay jasiiradda Marco ee ku taal xeebta galbeed ee Florida, waxaana markaasi ay wadatay dabeylo ku socday saacadiiba 169 kilo mitir.

Balse wixii markaa ka dambeeyay duufaantu waa ay tabar dhigtay, oo waxaa ay hoos ugu dhacday heerka labaad.

In ka badan laba iyo shan boqol oo kun oo qof ayaa koronto la'aan ah guud ahaan gobolkaasi, waxaana fatahaad ballaaran ay ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Miami.

Dhowr ka mid ah magaalooyinka Florida ayaa bandow habeenkii ah lagu soo rogay, si looga hortago inuu boob dhaco.

Madaxweyne Trump ayaa shaaciyay in musiibo ballaaran ay ka dhacday Florida, taasoo u suuragalineysa gobolkaasi inuu helo gargaar uga yimaada xukuumadda federaalka ah.

Trump ayaa weriyayaasha u sheegay in hay'adaha Maraykanka ay ka shaqeynayaan wax ka qabashada xaaladda ay abuurtay duufaanta Irma.

Duufaanta ayaa hadda ku wajahan deegaanka Tampa Bay, halkaasi oo ay ku noolyihiin ku dhawaad 3 milyan oo qof, balse aanay wax duufaan ah ku dhufan tan iyo sanadkii 1921-kii.

Hay'adda qaran ee duufaannada ayaa sheegtay in Irma ay sii tabar dhigayso, balse ay weli khatar tahay.

BBC

Related Articles

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM

Mareykanka oo marin qarsoodi ah ka sameystay Hormuz si maraakiibta shidaalku u gudbaan

Sida ay Axios u sheegeen saraakiil Mareykan ah, ciidamada Mareykanka ayaa sameeyey…

  • Caalamka

    19-08-2026

  • 11:18PM