​Duufaanta Irma oo khasaare ka geysatay Florida

Image

Duufaanta Irma ayaa ku dhufatay gobolka Florida ee dalka Maraykanka, ayadoo xeebta gobolkaasi ka geysatay fatahaad ballaaran isla markaana korontada ka jirtay ku dhawaad 3 milyan oo guryo iyo ganacsiyo isugu jira.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay duufaanta ku dhufatay Florida.

Duufaanta Irma ayaa ugu horeyn ku dhufatay jasiiradda Marco ee ku taal xeebta galbeed ee Florida, waxaana markaasi ay wadatay dabeylo ku socday saacadiiba 169 kilo mitir.

Balse wixii markaa ka dambeeyay duufaantu waa ay tabar dhigtay, oo waxaa ay hoos ugu dhacday heerka labaad.

In ka badan laba iyo shan boqol oo kun oo qof ayaa koronto la'aan ah guud ahaan gobolkaasi, waxaana fatahaad ballaaran ay ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Miami.

Dhowr ka mid ah magaalooyinka Florida ayaa bandow habeenkii ah lagu soo rogay, si looga hortago inuu boob dhaco.

Madaxweyne Trump ayaa shaaciyay in musiibo ballaaran ay ka dhacday Florida, taasoo u suuragalineysa gobolkaasi inuu helo gargaar uga yimaada xukuumadda federaalka ah.

Trump ayaa weriyayaasha u sheegay in hay'adaha Maraykanka ay ka shaqeynayaan wax ka qabashada xaaladda ay abuurtay duufaanta Irma.

Duufaanta ayaa hadda ku wajahan deegaanka Tampa Bay, halkaasi oo ay ku noolyihiin ku dhawaad 3 milyan oo qof, balse aanay wax duufaan ah ku dhufan tan iyo sanadkii 1921-kii.

Hay'adda qaran ee duufaannada ayaa sheegtay in Irma ay sii tabar dhigayso, balse ay weli khatar tahay.

BBC

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM