Elon Musk oo Ka Tegay Maamulka Trump, Kaddib Muran Siyaasadeed iyo Dhaliil Cusub
Elon Musk, maalqabeenka asal ahaan ka soo jeeda Koonfur Afrika kana mid noqday dadka ugu saamaynta badan ee Maraykanka, ayaa si rasmi ah uga baxay maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Musk, oo markii hore ahaa taageere dhaqaale ee ololaha Trump ka hor doorashadii 2024, wuxuu si degdeg ah ugu biiray safka la-taliyeyaasha Madaxweynaha, isagoo si joogto ah uga soo muuqan jiray meelaha ololaha lagu qabanayey.
Kadib guushii Trump, Musk waxaa loo magacaabay shaqaale gaar ah oo muddo 130 maalmood ah ka tirsanaa Waaxda Hufnaanta Dowladda (DOGE), halkaas oo uu hormuud ka noqday olole adag oo lagu doonayey in lagu yareeyo baaxadda dowladda federaalka. Qorshahaasi wuxuu horseeday in hay’ado badan la hoos geeyo ama la baabi’iyo, iyadoo shaqaale badan la cayriyay.
Si kastaba ha ahaatee, Musk ma uusan suurtagelin keydkii dhaqaale ee uu ballanqaaday, taas oo dhalisay niyad-jab gudaha maamulka.
In kasta oo doorashadiisa dowladda ahayd mid ku meel gaar ah, waxaana la filayey inuu baxo, haddana bixitaankiisa wuxuu ku soo beegmay hal maalin uun kadib markii uu si cad u dhaliilay hindisaha canshuurta iyo miisaaniyadda ee Trump, oo uu madaxweynuhu ku tilmaamay "sharciga weyn ee quruxda badan." Musk, dhankiisa, wuxuu ku sifeeyay sharcigaasi mid “naxdin leh” oo khatar ku ah shaqadiisii uu ka waday DOGE.
Bixitaankiisa wuxuu u dhacay si aan rasmi ahayn, iyadoo uu baraha bulshada gaar ahaan madal uu isagu leeyahay – X (horey u ahaan jirtay Twitter) – uga mahadceliyay Trump muddadii uu la shaqeynayay.
Musk wuxuu sheegay inuu doonayo inuu waqti badan geliyo shirkadihiisa gaarka ah sida Tesla iyo SpaceX, iyadoo cadaadis uga imanayey qaar ka mid ah maalgashadayaashiisa oo doonayay inuu si buuxda diiradda u saaro dib u soo celinta guusha Tesla oo wajahaysa hoos u dhac ku yimid iibka iyo qiimaha saamiyada.
Mas’uul sare oo ka tirsan Aqalka Cad, kaas oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa xaqiijiyay in Musk uu ka tegay Waaxda DOGE, balse uu weli xidhiidh wanaagsan la leeyahay Madaxweynaha.
Si kastaba, bixitaanka Musk wuxuu yimid xilli uu si tartiib tartiib ah hoos ugu sii dhacayey miisaankiisa siyaasadeed ee gudaha maamulka Trump, halkaas oo uu muran xooggan la galay qaar ka mid ah xubnaha ugu sarreeya ee golaha wasiirrada.
GAROWE ONLINE