​Erdogan: Indha kama laabanayno Abaaraha ka jira Somalia

Image

ANKARA, Turkey - Madaxweynaha dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dalkiisa uusan indha ka laaban doonin dhibaatooyinka abaabaraha ee ka jira dalka Soomaaliya. 

War uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay Madaxweyne Erdoğan in shacabka iyo dowlada Turkiga ay si wadajir ah ugu gurman doonaan walaalahooda Soomaaliyeed ee u dhimanayo Gaajada iyo Haraadka. 

"Somalia waxay qarka u saaran tahay Macaluul iyo dhibaato bini'aadanimo oo aad u xun xilligan, marka dowladda Turkiga iyo shacabkeeda oo isku duuban gurmad ayay gaarsiin doonaan Somalia," ayuu yiri Erdoğan. 

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sidoo kale sheegay in Hay'adda Bisha Cas ee Turkiga ay billowday olole ballaaran, oo dhaqaale loogu aruurinayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhufatay abaarta. 

Xukuumadda Turkiga iyo shacabkeeda, ayaa 2011 gurmad xooggan u samaysay Somalia, oo xilligaasi ay ka jirtay Macluul daran, oo galaafatay nolosha in kabadan 260,000 oo qof oo caruur iyo haween u badnaa. 

Sidoo kale, waqtigaas abaartu kajirtay Somalia Recep Tayyip Erdoğan ku yimid Muqdishu ayaa u jiiday dalka Dareenka beesha caalamka, oo ku dayday tallaabadii Turkiga iyagoo usoo diray gargaarka. 

Hay'adaha QM ayaa ka digay inay soo laabato Macaluul lamid ah midii 2011-kii, hadii aan caalamka si buuxda uga jawaabin dhibaatada abaarta, oo hadda gaartay heerkii ugu xumaa oo dadka ay billaabeen inay nafaqo darro iyo cudurro ugu geeriyoodaan Bartamaha iyo Koonfurta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM