Erdogan iyo Bin Salman oo Khadka Taleefanka kaga Wada Hadlay Xiisadda u Dhaxeysa Israel iyo Iran

Image

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, si ay uga wadahadlaan xiisadda sii xoogeysaneysa ee u dhaxeysa Israel iyo Iran, iyo arrimo ballaaran oo la xiriira gobolka iyo dunida, sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga.

Intii uu socday wadahadalka Sabtidii, Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Israel — gaar ahaan hoggaankeeda uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Netanyahu — ay tahay “halista ugu weyn ee ku wajahan xasilloonida iyo ammaanka gobolka.” Wuxuu tilmaamay in arrintaas markale laga dheehan karo weerarkii Israel ay dhawaan ku qaadday Iran.

Erdogan wuxuu si gaar ah u xusay in Israel la joojiyo tahay-na tallaabada keliya ee lagu dejin karo xiisadda. Wuxuu sidoo kale dhaliilay beesha caalamka, isagoo sheegay in ay indhaha ka qabsatay “gumeysiga iyo xasuuqa ka socda Falastiin”, taasoo uu ku tilmaamay mid dhiirrigelinaysa ficillada sharci-darrada ah iyo gardarrada Israel.

Madaxweynaha Turkiga ayaa intaas ku daray in weerarka Israel ku qaaday Iran uu yimid xilli ay socdeen wadahadallo diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran oo ku saabsan arrimaha nukliyeerka. Wuxuu sheegay in weerarkaas uu ahaa isku day lagu carqaladeynayo dadaallada nabadda.

Sidoo kale, Erdogan wuxuu sheegay in weerarkaasi sababay khatar dhinaca nukliyeer ah, taasoo markale muujisay qatarta Israel ay ku hayso ammaanka gobolka iyo kan caalamka.

Ugu dambeyntii, Erdogan wuxuu digay in gobolka aanu qaadi karin dagaal kale, isagoo carrabka ku adkeeyay in khilaafka nukliyeerka lagu xalliyo wadahadal iyo gorgortan joogto ah, maadaama dagaal ballaaran uu sababi karo barakac baahsan iyo dhibaatooyin hor leh.

GAROWE ONLINE + WAKAALADAHA

Related Articles

Duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil ee Iran oo sii socda; in ka badan 1,045 qof oo la dilay

Xiisadda sii kordheysa ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in colaadda ay ku faafto Bariga Dhexe oo dhan.

  • Caalamka

    05-03-2026

  • 06:38AM

Mareykanka oo Markab dagaal oo Iran leedahay ku gubey meel ku dhaw Sri Lank 

Ugu yaraan 87 qof ayaa lagu dilay markabka la dejiyay, iyadoo lasoo badbaadiyay 32 of oo la geeyay Isbitaalo ku yaala Sri Lanka.

  • Caalamka

    04-03-2026

  • 10:31PM